3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 30, 2017
Sawiro: Madaxweyne Farmaajo oo si kedis ah gelinkii dambe ee shalay ku tegay Xeebta Liido ee Muqdisho

 

Arbaco, Augusto, 30, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa shalay gelinkii dambe la arkay isaga oo si caadi ah u dhexgalay dhallinyaro ku sugneyd Xeebta Liido ee Magaalladda Muqdisho.

Booqashada madaxweynaha ee xeebta ayaa waxaa ay aheyd mid lama filaan ah oo aysan ka warqabin warbaahinta Magaalladda Muqdisho.

Farmaajo, ayaa waxaa la arkayay isaga oo kubad la ciyaaraya dhallinyaro, waxaana sidoo kale uu ka wareystay xaaladda Magaalladda iyo hannaanka shaqada dowladda.

“Waxaan mar qura ka war helnay, askar badan oo xeebta soo buuxdhaafisay, kaddibna waxaan aragnay Farmaajo oo si caadi ah noogu yimid, waxaana uu noo sheegay in aan nabadda ka shaqeyno”, mid kamid ah dhallinyaradii Madaxweynaha la kulantay ayaa sidaasi Hiiraan Online u sheegay.

Ciidamada Ilaalada Madaxweynaha, ayaa sugaayay amnigiisa, iyadoona kolkii dambe uu Madaxweynuhu dib ugu laabtay Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somalia.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia













Click here
8/30/2017 3:00 PM EST
Arbaco, Augusto, 30, 2017 (HOL) – Guddiga doorashada madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa shaaciyay waqtiga la qabanayo doorashada madaxweynaha oo ku beegan 12 bisha September ee nagu soo foolka leh.

8/30/2017 11:33 AM EST
Arbaco, Augusto, 30, 2017 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa soo xiray shirweyne looga hadlayay Xal-u-helidda Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka dib ugu soo laabanaya, iyadoo shirkani soo qaban qaabisay Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Federaalka, iyadoo mudadii saddexda maalin ee soconayay looga doodayay sidii xal maangal ah loogu heli lahaa qaxootiga iyo barakacaayasha Soomaaliyeed.

8/30/2017 5:39 AM EST
Arbaco, Augusto, 30, 2017 (HOL) – Xooogag ka tirsan xarrakada Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in ay weerar ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Daba oo ka tirsan degmada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

8/30/2017 5:31 AM EST
Arbaco, Augusto, 30, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ay halkaa ka jirto xiisad dagaal oo u dhaxeysa maleeshiyaad ka tirsan deegaanka iyo ciidamada Ahlu Sunna oo maalmihii ugu danbeeyayba isku hayay gacan ku heynta deegaanka.

8/30/2017 5:15 AM EST
Arbaco, Augusto, 30, 2017 (HOL) – Gancsatada ku mideysan Rugta Ganasiga iyo Warshadaha oo kulan ballaaran ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaa ay siweyn uga wada hadlleen wareegtadii dhawaan ka soo baxday wasaarada ganacsiga ee lagu sheegay in lagu kala diray Rugta ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

8/30/2017 3:10 AM EST
Arbaco, Augusto, 30, 2017 (HOL) –Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in dhammaan shaqaallaha dowladda ay fasax yihiin maalmaha ciidda Carrafo.

8/30/2017 2:46 AM EST
Arbaco, Augusto, 30, 2017 (HOL) –Guddoomiyaha deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose Abuukar C/laahi Isaaq, ayaa sheegay in dhawaan ay doonayaan iney la wareegaan deegaanka oo ay hadda maamulaan kooxda Al Shabaab.

8/30/2017 1:32 AM EST
Arbaco, Augusto, 30, 2017 (HOL) –Ugu yaraan saddex carruur ah ayaa geeryootay kaddib markii Miino ay ku cayaarayeen ay kula qaraxday Gobolka Mudug, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

8/30/2017 12:57 AM EST
Arbaco, Augusto, 30, 2017 (HOL) –Taliyaha Guutada 9-aad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed G/Sare Max’ed Caddow Cali (Sanka), ayaa warbaahinta u sheegay in sarkaal ka tirsanaa Al Shabaab uu isku soo dhiibay ciidamada Militariga dowaldda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Gedo.

8/30/2017 12:40 AM EST
Arbaco, Augusto, 30, 2017 (HOL) –Golaha ammaanka ee QM, ayaa digniin u jeediyay dowladda Kuuriyada-wayooyi, kaddib markii gantaal ay dulmarisay dalka Jaban.