4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 30, 2017
Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka oo faah-faafin ka bixiyay sarkaal ka tirsanaa Al Shabaab oo isa-soo dhiibay

 
Arbaco, Augusto, 30, 2017 (HOL) –Taliyaha Guutada 9-aad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed G/Sare Max’ed Caddow Cali (Sanka), ayaa warbaahinta u sheegay in sarkaal ka tirsanaa Al Shabaab uu isku soo dhiibay ciidamada Militariga dowaldda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Gedo.

Sarkaalka isa-soo dhiibay oo lagu magacaabo Maxamed Yuusuf Dheel, ayaa sida dowladda ay sheegtay waxaa uu ahaa Guddoomiyaha Deegaanka Ceelgaduud ee Gobalka Gedo ee kooxda Al Shabaab.

Sarkaalka ciidanka isku soo dhiibatay ayaa laammaha ammaanka ee dowladda u sheegay in uu ka tanaasulay kamid ahaanshaha kooxda Al Shabaab.

“Waxaan ka baxay maanta wixii ka dambeeya, kamid ahaanshihii Al Shabaab, waxaana ka faa’iidaysanayaa cafiskii Dowladda”, ayuu yiri Yuusuf Dheel oo si kooban ugu waramaya hay’adaha amniga.

Bishii April ee sanadkan, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa cafis u fidiyey dagaalamayaasha ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo shir jaraa'id ku qabtay magaalladda Muqdisho ayaa sheegay in dowladiisa ay daryeel u fidin doonto dagaalamayaasha ka tirsan kooxdan ee isku soo dhiibo muddo laba bilood gudahood.

"Waxaan cafis u fidinayaa dhallinyarada la marin habaabiyay ee ku shaqeeya fikrika khaldan ee xaqjirnimada ah. Waxaaa haysataan muddo 60 cisho ah inaad hubka ku dhigtaan. Waxaan idiin ballan qaadeynaa inaad heli doontaan daryeel wanaagsan'' ayuu yiri madaxweynaha oo ku labisnaa dareeska ciidammada.

Hiiraan Online, News Desk