4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 30, 2017
Golaha ammaanka “Falalka Kuuriyada-waqooyi waxaa ay carqaladeynayaan xasiloonida gobolka iyo caalamka oo dhan

 
Arbaco, Augusto, 30, 2017 (HOL) –Golaha ammaanka ee QM, ayaa digniin u jeediyay dowladda Kuuriyada-wayooyi, kaddib markii gantaal ay dulmarisay dalka Jaban.

Dhammaan xubnaha golaha ammaanka ayaa rumaysan in tijaabadda gantaalada ee ay samaynayso Kuuriyada Waqooyi ay tahay arin dhibaatadeeda leh, loona baahan yahay in wax laga qabto.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u sheegtay in falalka Pyongyang ay yihiin kuwo khatar ah, isla markaana carqaladeynaya xasiloonida gobolka iyo weliba tan caalamka oo dhan.

Maraykanka ayaa soo dhaweeyay jawaabta midaysan ee kasoo baxday Golaha Ammaanka.

Haseyeeshee xubnuhu waxay ku kala argti duwan yahay tallaabada xigta ee laga qaadayo Kuuriyada Waqooyi. Maraykanka ayaa doonaya in cunaqabateyn dheeraad ah ay Qaramada Midoobay saarto dalkaasi, gaar ahaan shidaalka uu dalkaasi soo dhoofsado iyo in la adkeeyo qaabka difaaca gantaaladda ee gobolkaasi.

Dowladda Kuuriyada Woqooyi, ayaa la sheegay in gantaal ay dul marisay woqooyiga Japan, sida warbaahinta dalkaasi ay xalay wariyeen.

Gantaalka ayaa la sheegay in uu ku dhacay badda. Ciidamada Japan iskuma ay dayin in ay soo ridaan ama dhexda ku qabtaan gantaalkaa in kasta oo raadaalladu markiiba digniin bixiyeen, waxaana gantaalkaa la riday aroornimadii hore ee saaka.

Ra'isal wasaaraha Japan, Shinzo Abe, ayaa ku tilmaamay gantaalkaa la dul mariyey dalkiisa khatar "aan hore loo arag".

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia