4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 29, 2017
Wasiir Juxa “ In aan ka hadlo shaqadeyda ruqsad uma baahna

 

Talaado, Augusto, 29, 2017 (HOL) - Wasiirka wasaarada arimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa oo la hadlay BBC ayaa ka jawaabay go’aankii ka soo baxay xukuumada ee ahaa in golaha wasiirada aysan la hadli karin warbaahinta fasax la’aan.

Wasiirka ayaa sheegay in wixii la xiriira shaqadiisa wasaarada aysan u baahneyn in uu ruqsad u qaato, hasse ahaatee waxaa uu sheegay in arimaha kale ee ka baxsan shaqada wasaarada ay u taalo dowladda inteeda kale.

‘’Wixii ku saabsan shaqada wasaarada aan madaxda ka ah ruqsad uma baahna, waan leeyahay Facebook waan garanaya waxa aan galinayo iyo waxa u baahan in laga fiirsado’’ ayuu yiri wasiirka 

Dhawaan war ka soo baxay ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in golaha wasaarada la hadli karin warbaahinta iyaga oo aan fasax uga heysan ra’iisal wasaaraha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]