4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 29, 2017
Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo isku dhiibay ciidamada dowladda ee gobolka Gedo

 

Talaado, Augusto, 29, 2017 (HOL) - Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab uu isku dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan dhulka miyiga Garbahaarey.

Waxaa uu sheegay in sarkaalkan uu mas’uul uga ahaa Al-shabaab Tuulo lagu magacaabo Ceelguduud oo ay maamulaan Al-shabaab.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in sarkaalkan uu hadda u xiran yahay ciidamada dowladda Soomaaliya baaritaanna ku waddaan.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa ugu danbeyntii sheegay in sarkaalka isa soo dhiibay uu watay markii uu isku soo dhiibaayay ciidamada Qori iyo Bastoolad.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]