4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 29, 2017
Guddiga doorashada madaxweynaha Hirshabeelle oo lagu dhawaaqay

 

Talaado, Augusto, 29, 2017 (HOL) - Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa magacaabay Sagaalka xubnood ee ah guddiga doorashada Madaxweynaha Hirshabelle.

Guddigan oo ka kooban sagaal xubnood oo dhamaantood rag ah ayaa waxaa guddoomiye loogaga dhigey Maxamuud Xuseen Yuusuf halka ay guddoomiye ku xigeeno ka yihiin Abuukar Xasan Cali iyo Cabdulaahi Maxamed Caddow, halka xoghaynta guddigana uu yahay Ismaaciil Maxamed Nuur.

Guddigan ka kooban Sagaalka xubnood kuma jiraan wax dumar ah, waxaana looga fadhiyaan in ay soo diyaariyaan sharciyadii iyo nidaamkii loo qaban lahaa doorashada Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle.

Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa 14kii bishan kalsoonidii kala noqdeen Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]