3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 29, 2017
Ganacsato taageertay go’aankii lagu kala diray Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha


Talaado, Augusto, 29, 2017 (HOL) –  Kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen ganacsato Soomaaliyeed ayaa lagu taageeray go’aankii wasaarada ganacsiga ay ku kala dirtay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

Ganacsata iyo dadkii kala duwanaa ee ka hadlay kulanka ayaa si weyn u taageeray una soo dhaweeyay in Wasaarada Ganacsiga kala dirto Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

Madaxda dowladda ayeey ugu baaqeen in ay taageeraan go’aanka wasaarada ganacsiga ku kala dirtay Rugta Ganacsiga iyo doorashada la filayo in dhawaan ka dhacdo magaalada Muqdisho. 

Wasaarada ganacsiga ayaa maalintii shalay wareegto ka soo baxday ku sheegtay in gabi ahaanba la baabi’iyay Rugta ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, iyadoo ku baaqday doorasho cusub in guud ahaanba ganacsatada Soomaaliyeed arintaa iska arkaan.

War ka soo baxay ganacsatada ayaa lagu yiri :

War-saxaafadeed kaani wax siyaasad ah lug kuma laha, sidoo kale Jacayl ama nacayb qof ama koox shaqo kuma lahan.

Wax shaqo ama dan ah oo ay ganacsiga magaaladaan u hayeen nimankii ay shalay kala dirtay Wasaaradda Ganacsigu majirin haba yaraatee.

Sax ma’ahayn sheegashadooda ahayd in loo dootay Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.

Waxaa xusid mudan in dib loo akhriyo warqaddii uu qoray Wasiirkii Ganacsiga ee taariikh 09/03/2017. Halkaas waxaa ku cad in aysan jirin cid wakiil ka ahayd ganacsatada Gobolka Banaadir.

Xaq ma ahayn mana jirto sabab ay wasaaradda maaliyaddu u siiso lacag canshuur ah koox ganacsato ah.

Canshuurtaas oo laga aruuriyey ganacsato masaakiin ah lagana yaabo in ay ku khasaareen badeecaddii canshuurta ay ka bixiyeen.

Waxaan soo dhoweynaynaa doorasho xalaal ah iyadoo la tixgelinaayo qodobbada soo socda:
 Aqoon cilmi ah, iyo waayo aragnimo ka turjumeysa duruufaha dhaqaale iyo ganacsi ee waddanka, Isla markaasna haysta kalsoonida Ganacsatada Soomaaliyeed.

Waxaan soo jeedineynaa in ganacsatadu taageerto go’aankii Wasaaradda Ganacsiga taariikh 26/08/2017, isla markaasna lagu dhisayo Rug Ganacsi oo la wada leeyahay raallina la iskaga yahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/29/2017 1:06 PM EST
Talaado, Agoosto 29, 2017- Madaxweynihii Baarlamaanka Hirshabeelle uu xilka ka qaaday dowladda Federaalkana ay ku raacday, ayaa maanta gaaray Magaalladda Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

8/29/2017 11:13 AM EST
Talaado, Augusto, 29, 2017 (HOL) - Wasiirka wasaarada arimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa oo la hadlay BBC ayaa ka jawaabay go’aankii ka soo baxay xukuumada ee ahaa in golaha wasiirada aysan la hadli karin warbaahinta fasax la’aan.

8/29/2017 10:52 AM EST
Talaado, Augusto, 29, 2017 (HOL)-Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab uu isku dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan dhulka miyiga Garbahaarey.

8/29/2017 10:38 AM EST
Talaado, Augusto, 29, 2017 (HOL) - Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa magacaabay Sagaalka xubnood ee ah guddiga doorashada Madaxweynaha Hirshabelle.

8/29/2017 6:40 AM EST
Talaado, August, 29, 2017 (HOL)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa shaqadii ka joojiyey Badhasaabkii gobolka Awdal Mustafe Shiinne, waxaana lagu eedeeyey inuu gallay shaqo aanu awood u lahayn,isla markaana luminaysa kalsoonadii dadweynaha gobolka.

8/29/2017 5:55 AM EST
Talaado, Augusto, 29, 2017 (HOL) – Golaha Amaanka QM ayaa kulan deg deg lagu wadaa in ay ka yeeshaan arintan ku saabsan gantaalka dowladda Waqooyiga Kuuriya ay dulmarisay hawada dalka Japan.

8/29/2017 5:43 AM EST
Talaado, Augusto, 29, 2017 (HOL) – Wasiirka wasaarada maaliyada xukuumada Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaalle Beylle ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir ay ka qeyb-galayaan ilaa Sagaal wasaaradood iyo xafiiska xisaabiyaha guud ee Qaranka.

8/29/2017 5:17 AM EST
Talaado, Augusto, 29, 2017 (HOL) – Sida lagu daabcay bogga wakaalada wararka ee Ethiopia Observer, dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay u gacan galisay Itoobiya sarkaal sare oo ka tirsanaa Jabhada ONLF.

8/29/2017 4:09 AM EST
Talaado, Agoosto 29, 2017- Madaxweynihii Baarlamaanka Hirshabeelle uu xilka ka qaaday dowladda Federaalkana ay ku raacday, ayaa maanta gaaray Magaalladda Beledweyne ee xaruunta Gobolka Hiiraan, sida ilo wareedyo ay u sheegeen HOL.

8/29/2017 3:08 AM EST
Talaado, Agoosto 29, 2017- Ugu yaraan 15 qof ayaa dhimatay halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen kadib markii shil gaari uu ka dhacay duleedka Magaalladda Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

8/29/2017 2:49 AM EST
Talaado, Agoosto 29, 2017- Maxkamadda Gobolka Kwa-Zul Natal ee dalka South Africa, ayaa waxaa la horkeenay Shan nin oo lagu eedeeyay in ay dadka cunni jireen ama dad cunnayaal ay ahaan jireen.

8/29/2017 2:25 AM EST
Talaado, Agoosto 29, 2017- Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan En. Yariisow, ayaa kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Holand.

8/29/2017 2:06 AM EST
Talaado, Agoosto 29, 2017- Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa qabatay kulan dhaqaallo loogu uruurinayay dhismaha Isbitaalka Jaalle Siyaad ee Magaalladda Garbahaareey gobolka Gedo.

8/29/2017 1:51 AM EST
Talaado, Augusto, 28, 2017 (HOL) –Dowladda Kuuriyada Woqooyi, ayaa la sheegay in gantaal ay dul marisay woqooyiga Japan, sida warbaahinta dalkaasi ay xalay wariyeen.