4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 29, 2017
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo shaqadii ka joojiyey Badhasaabka gobolka Awdal

 

Talaado, August, 29, 2017 (HOL)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa shaqadii ka joojiyey Badhasaabkii gobolka Awdal Mustafe Shiinne, waxaana lagu eedeeyey inuu gallay shaqo aanu awood u lahayn,isla markaana luminaysa kalsoonadii dadweynaha gobolka.

Go’aankan madaxweyne ku xigeenku ku saxeexan yahay ayaa lagu sheegay in shaqaddii laga joojiyey, waxaana u qornayd sidan:

Ujeeddo:Shaqo ka joojin:

Kadib markii aad ku kacday khaladaad badan oo luminaya kalsoonida shacabka gobolku ku  qabaan dawladnimada kana leexatay siyaaasadii xukuumadda.

Ka dib markaad farogalisay arrimaha dhulka oo aanay ku siinaynin xeerarka dalka u yaalla, iyadoo ay tahay shaqada dawlada hoose,

Ka dib markii aan ogaaday in aad ka maqan-tahay shaqadii gobolka ee lagu igmaday, dadweynaha gobolkana iiga timid cabashooyin la xidhiidha xil gudasho la’aantaadda.

Sidaas darteed iyadoo lagu jiro wakhti xasaasi ah waxaan go’aansaday inaan ka joojiyo shaqadii qaranka u haysay, waxaana ku farayaa in si ku meel gaadh ah ugu sii wareejiso shaqadda gudoomiye ku xigeenka gobolka.” .

Waa markii ugu horeysay taariikhda ee madaxweyne ku xigeenku masuul shaqadda ka joojiyey, haseyeeshee tan ayaa muran ka dhex abuuri doonta madaxweyne ku xigeenka iyo Badhasaabka gobolka Awdal Mustafe Shiinne.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.