3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 29, 2017
Golaha amaanka oo ka shiraya gantaalka dowladda Waqooyiga Kuuriya ay dul marisay Japan

 

Talaado, Augusto, 29, 2017 (HOL) – Gollaha Amaanka QM ayaa kulan deg deg lagu wadaa in ay ka yeeshaan arintan ku saabsan gantaalka dowladda Waqooyiga Kuuriya ay dulmarisay hawada dalka Japan.

Ra’iisul wasaaraha dalka Japan Shinzō Abe iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo mudo 40-daqiiqo ah ku wada hadlayay Qadka Telfoonka ayaa si wadajir ah u codsaday kulankan.

Shinzō Abe oo la hadlayay wakaalada wararka France ee AP ayaa sheegay in ujeedada kulanka ay tahay in la kordhiyo cuna-qabateynta Kuuriyada Waqooyi, maadaama ay ku xad gudbeen hawada Japan, wuxuuna ugu baaqay dowladaha Ruushka iyo Shiinaha in ay door weyn ka qaataan in talaabo laga qaado xukuumada Pyongyang.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Japan wuxuu sheegay in madaxweyne Donald Trump uu ku celceliyay in uu garab taagan yahay Japan, isla markaana ay dhinac kaga soo jeesanayaan Hanjabaada kaga imaaneysa dowlada Waqooyiga Kuuriya.

Waa markii ugu horeysay oo dalka Japan uu si toos ah u dulmaro gantaal ay soo ridday Kuuriyada Waqooyi tan iyo markii ay sare u qaaday tijaabada gantaalada ridada dheer.

Todobaadkii hore ayaa Kuuriyada Waqooyi waxaa ay tijaabisay seddax gantaal, balse waxay militariga Mareykanku ay ku sheegeen in ay ahaayeen kuwo fashilmay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/29/2017 1:06 PM EST
Talaado, Agoosto 29, 2017- Madaxweynihii Baarlamaanka Hirshabeelle uu xilka ka qaaday dowladda Federaalkana ay ku raacday, ayaa maanta gaaray Magaalladda Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

8/29/2017 11:13 AM EST
Talaado, Augusto, 29, 2017 (HOL) - Wasiirka wasaarada arimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa oo la hadlay BBC ayaa ka jawaabay go’aankii ka soo baxay xukuumada ee ahaa in golaha wasiirada aysan la hadli karin warbaahinta fasax la’aan.

8/29/2017 10:52 AM EST
Talaado, Augusto, 29, 2017 (HOL)-Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab uu isku dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan dhulka miyiga Garbahaarey.

8/29/2017 10:38 AM EST
Talaado, Augusto, 29, 2017 (HOL) - Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa magacaabay Sagaalka xubnood ee ah guddiga doorashada Madaxweynaha Hirshabelle.

8/29/2017 10:27 AM EST
Talaado, Augusto, 29, 2017 (HOL)– Kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen ganacsato Soomaaliyeed ayaa lagu taageeray go’aankii wasaarada ganacsiga ay ku kala dirtay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya .

8/29/2017 6:40 AM EST
Talaado, August, 29, 2017 (HOL)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa shaqadii ka joojiyey Badhasaabkii gobolka Awdal Mustafe Shiinne, waxaana lagu eedeeyey inuu gallay shaqo aanu awood u lahayn,isla markaana luminaysa kalsoonadii dadweynaha gobolka.

8/29/2017 5:43 AM EST
Talaado, Augusto, 29, 2017 (HOL) – Wasiirka wasaarada maaliyada xukuumada Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaalle Beylle ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir ay ka qeyb-galayaan ilaa Sagaal wasaaradood iyo xafiiska xisaabiyaha guud ee Qaranka.

8/29/2017 5:17 AM EST
Talaado, Augusto, 29, 2017 (HOL) – Sida lagu daabcay bogga wakaalada wararka ee Ethiopia Observer, dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay u gacan galisay Itoobiya sarkaal sare oo ka tirsanaa Jabhada ONLF.

8/29/2017 4:09 AM EST
Talaado, Agoosto 29, 2017- Madaxweynihii Baarlamaanka Hirshabeelle uu xilka ka qaaday dowladda Federaalkana ay ku raacday, ayaa maanta gaaray Magaalladda Beledweyne ee xaruunta Gobolka Hiiraan, sida ilo wareedyo ay u sheegeen HOL.

8/29/2017 3:08 AM EST
Talaado, Agoosto 29, 2017- Ugu yaraan 15 qof ayaa dhimatay halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen kadib markii shil gaari uu ka dhacay duleedka Magaalladda Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

8/29/2017 2:49 AM EST
Talaado, Agoosto 29, 2017- Maxkamadda Gobolka Kwa-Zul Natal ee dalka South Africa, ayaa waxaa la horkeenay Shan nin oo lagu eedeeyay in ay dadka cunni jireen ama dad cunnayaal ay ahaan jireen.

8/29/2017 2:25 AM EST
Talaado, Agoosto 29, 2017- Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan En. Yariisow, ayaa kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Holand.

8/29/2017 2:06 AM EST
Talaado, Agoosto 29, 2017- Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa qabatay kulan dhaqaallo loogu uruurinayay dhismaha Isbitaalka Jaalle Siyaad ee Magaalladda Garbahaareey gobolka Gedo.

8/29/2017 1:51 AM EST
Talaado, Augusto, 28, 2017 (HOL) –Dowladda Kuuriyada Woqooyi, ayaa la sheegay in gantaal ay dul marisay woqooyiga Japan, sida warbaahinta dalkaasi ay xalay wariyeen.