4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 29, 2017
Shir ku saabsan hagaajinta hannaanka maaliyadeed ee dalka oo Muqdisho ka furmay


Talaado, Augusto, 29, 2017 (HOL) – Wasiirka wasaarada maaliyada xukuumada Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaalle Beylle ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir ay ka qeyb-galayaan ilaa Sagaal wasaaradood iyo xafiiska xisaabiyaha guud ee Qaranka.

Shirkan oo ku saabsan hagaajinta hannaanka maaliyadeed ee dalka waxaa goob joog ka ah xisaabiyayaal ka kala socda wasaaradaha ugu muhiimsan ama ugu shaqada badan xukuumada.

Xisaabiyaha guud ee Qaran Axmed Yuusuf Muumin ‘Siraaji’ oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa sheegay in hada hannaanka maaliyadeed ee dalka uu aad uga wanaag-sanyahay sanado ka hor sidii uu ahaa.

Wasiirka maaliyada oo siddoo kale shirka ka hadlay ayaa ku dheeraaday sida loogu baahan-yahay in laga fogaado musuq-maasuqa, isagoo sheegay in dhawaan la rajeynayo in la gaaro isku filnaasho dhaqaale.

Maalmihii ugu damneeyay wasaaradda Maaliyaddu waxay waday shirar iyo tababaro kor loogu qaadayo aqoonta maamulayaasha maaliyadeed ee hey’addaha dowladda si meesha looga saaro wax is daba –marinta iyo musaqa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]