4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 29, 2017
Dowladda Itoobiya oo loo gacan galiyay sarkaal sare oo ka tirsanaa Jahbada ONLF

 

Talaado, Augusto, 29, 2017 (HOL) – Sida lagu daabcay wakaalada wararka ee Ethiopia Observer,  dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay u  gacan galisay Itoobiya sarkaal sare oo ka tirsanaa Jabhada ONLF.

Abdikarim Sheikh Muuse ‘’Qalbi Dhagax’’ ayaa lagu qabtay magaalada Cadaado oo qiyaastii 500km u jirta magaalada caasimada ah ee Muqdisho Jimihii aynu soo dhaafnay.

Qaar ka mid ah bogaga Internetka ayaa lagu sheegay in Abdikarim Muuse  yahay sarkaal muhiim ah oo ka tirsan ONLF gaar ahaan garabka militariga oo ay soo tababartay dowladda Eritrean.

Ethiopian Observer ayaa sheegtay in diyaarad militari looga soo qaaday sarkaalkan Soomaaliya islamarkaana ka dajisay garoon ku yaala  magaalada Bishoftu ee dalka Itoobiya. 

Jabhda ONLF ayaa dagaal ku jirtay tan iyo sanadkii 1985tii iyaga oo u arka dowladda Itoobiya in ay gumeysi ku heyso dadka ku dhaqan dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa dowladda Soomaaliya ku soo wareejisay 114 maxaabiis Soomaaliyeed oo muddo dheer ku xirnaa dalka Itoobiya kuwaa oo bishii July ee sanadkan  ka soo degay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]