4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 29, 2017
Faah-Faahin: 15-qof oo ku geeriyootay Shil gaari oo ka dhacay duleedka Magaalladda Gaarisa

 
Talaado, Agoosto 29, 2017- Ugu yaraan 15 qof ayaa dhimatay halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen kadib markii shil gaari uu ka dhacay duleedka Magaalladda Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Shilkan ayaa yimid kaddib markii Gaari rakaab ah oo ka soo baxay Magaalladda Nairobi uu ku dhacay Gaari Booyad ah oo isna ka baxay Gaarisa.

Musiibaa ayaaa waxaa ay ka dhacday halka lagu magacaabo Bangal oo a tirsan Tana River.

Mas’uul ka tirsan maamulka degmada Gaarisa ayaa xaqiijiyay in dadka  dhintay ay ku jirto Hooyo iyo 3-Carruur ah oo ay dhashay.

Gaadiidka Gurmadka deg-deg ah ayaa gaaray goobta uu shilku ka dhacay ,waxaana dadkii dhaawacyadda ahaa loo lala cararay Isbitaal ku yaalla Magaalladda Gaarisa.

Madaxda Boliiska ee deegaanka ayaa lagu waddaa in ay dhawan si rasmi ah uga hadlaan shilka iyo khasaraha guud ee ka dhashay.

Wixii kusoo kordha halkan kala soco…

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia