4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 29, 2017
Wasiirka warfaafinta oo dalka Holand kula kulmay Jaaliyadda Soomaalidda ee dalkaasi ku nool

 

Talaado, Agoosto 29, 2017- Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan En. Yariisow, ayaa kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Holand.

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-wareysi ah, waxaana Wasiirka warfaafinta uu jaaliyadda warbixin kasiiyay xaaladda dalka Soomaaliya, waxaa dhinaca kale Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Holand, ay warbixin siiyeen Wasiirka.

Waxaa sidoo kale kulankaasi waxaa goob-joog ka ahaan Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Danjire Cali Siciid Fiqi iyo aqoonyahano kale.

Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (En Yariisow) Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa Jaaliyadda si qota dheer ugu sheekeeyay xaalada dalka uu marayo iyo horumarada halkaasi kajira, iyo kaalinta Qurba joogta Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay ka qaataan horumarka dalkooda,islamarkaana ku dhiiro geliyay in kaalintooda.

Jaaliyadda Soomaaliyadda ayaa sheegtay in hormarka dalka Soomaaliya hadda ka jira in uu ku riixayo in ay yimaadaan dalka Soomaaliya, sida ay uga qeyb-qaataan dhismaha dowladda-wanaaga iyo kobcinta dhaqaallaha dalka. 

Wasiir Eng-Yariisow, ayaa dhawaan dalka Hodan waxaa uu ku tegay safar shaqo. 

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia