4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 29, 2017
Dowladda Kuuriyada Woqooyi oo gantaal dul marisay dalka Japan

 
Talaado, Augusto, 29, 2017 (HOL) –Dowladda Kuuriyada Woqooyi, ayaa la sheegay in gantaal ay dul marisay woqooyiga Japan, sida warbaahinta dalkaasi ay xalay wariyeen.

Gantaalka ayaa la sheegay in uu ku dhacay badda. Ciidamada Japan iskuma ay dayin in ay soo ridaan ama dhexda ku qabtaan gantaalkaa in kasta oo raadaalladu markiiba digniin bixiyeen, waxaana gantaalkaa la riday aroornimadii hore ee saaka.

Ra'isal wasaaraha Japan, Shinzo Abe, ayaa ku tilmaamay gantaalkaa la dul mariyey dalkiisa khatar "aan hore loo arag".

Beryahan dambe waxa Kuuriyada Woqooyi ridaysay gantaalo badan oo tijaabo ah, hase yeeshee dhif iyo naadir bay ahayd in ay dul mariso Japan gantaalahaa ay ridaysay.

Jimcihii iyo Sabtidii ayaa Kuuriyada Woqooyi waxay ridday saddex gantaal oo nooca ridada dhexe ah waxaanay ku dhaceen meel ka baxsan xeebaha bari ee dalkaas.

Gantaalkan la riday markii uu dul maray Japan waxa markiiba fariimaha digniinaha ah diray raadaallada dalkaas, hase yeeshee idaacadda dawladda ee NHK ayaa sheegtay in aanu wax khasaare ahi dhicin.

Xiisad cusub ayaa laga cabsi qabaa in ay ka dhex curato labada dowladdood, sida xeel-dheerayaasha siyaasada ay sheegayaan.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia