4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 27, 2017
DAAWO: Bilicda Deegaanka Goobweyn oo ku yaal halka ay isaga daraan Webiga Jubba iyo badweynta Hindiya


Axad, Augusto, 27,2017 (HOL) -Deegaanka Goobweyn waxa uu hoostagaa magaalada Kismaayo, wuxuuna qiyaastii 15-km magaalada kaga beeganyahay dhanka waqooyiga.

Goobweyn waa deegaan dadka ku nooli ay isugu jiraan Xoolo dhaqato iyo Beeraleey, waa halka uu ku egyahay webiga Jubba, islamarkaana uga daro badweynta Hindiya.

Waa deegaan aad u bilic qurxoon, islamarkaana soo jiita indhaha. Hareeraha webiga waxaa ku teedsan geedo Qumbe (Naarjiin) ah, iyo beero, kuwaa oo sii qurxinaya bilicda deegaanka.

Jubaland ayaa qorsheeyneeysa in deegaankaasi ay ka hirgeliso dhismeyaal bilic qurxoon, si ay ugu damaashaad tagaan dadka booqashada ku yimaada magaalada Kismaayo.

Raysul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo Kismaayo yimid Bishii July 13-keedii, oo ahayd markii Kismaayo ay martigelisay shirkii golaha wasiirada ayaa mar uu booqasho ku tagay deegaanka Goobweyn waxa uu amaanay khayraadka kala duwan ee uu Eebbe ku maneystay deegaankaasi.

Raysul wasaare Khayre ayaa xilligaasi booqday halka ay isaga daraan Webiga Jubba iyo Badweynta Hindiya, waxa uu sidoo kale kormeeray dhul beereedyo ku yaallay hareeraha webiga.

Dhalinyarada magaalada Kismaayo, qurbajoogta iyo dadka kale ee soo booqda Kismaayo ayaa u damaashaad taga deegaankaasi.

Hoos ka daawo Muuqaal kooban oo ku saabsan deegaanka Goobweyn.



Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.