Axad, Augusto, 27, 2017 (HOL) – Ciisa
Qaraaqic oo ah madaxa hay;’adda arimaha maxaabiista Falastiin ayaa sheegay in
Israa’iil ay bilawgii sanadkan ilaa hadda ay xoog ku qafaasheen 800 carruur
Falastiiniyiin ah
Carruurtan ayaa la sheegay in ciidamada Israa’iil ay siyaabo kala duwan u
qafaasheen iyagoo qaarkooda loo geystay tacadi oo lagu furay rasaas nool iyo
waliba xad-gudubyo kale oo ka baxsan bani’adanimada.
Bayaan uu soo saaray madaxa hay’adda arrimaha maxabista Falastiin Ciisa
Qaraaqic, ayuu ku sheegay in caruurtaasi qaar ka mid ah ay qabaan dhaawacyo
halis ah oo loo geystay markii la qafaalanayay,wuxuuna cadeeyay in xadgudubyada
ay ciidamada Israa’iil kula kacaan dadyowga reer Falastiin ay tahay mid
cad ,iyadoo carruurta Falastiin ay si joogta ula kulmaan dhibaatooyin kala
duwan oo uga imanaya dhanka ciidamada Israa’iil.
Wuxuuna ku baaqay in mujtamaca dowliga iyo ururada kale ee u dooda xuquul insaanka ay
si deg deg ah wax uga qabtaan dhibaatoyinka Israa’iil ay kula kacayso dadka
reer Falastiin,talaabadasi oo ka dhan ah qanuunka caalamiga ah.
Madaxa hay’adda arrimaha maxabista Falastiin Ciisa Qaraaqic, wuxuu kaloo
cadeeyay in makmadadaha Israa’iil ay ku ganaaxaan carruurta Falastiin
%100 lacag aad u tira badan oo aan awoodin in ay iska bixiyaan islamarkaana
lagu xukumo xabsiyo dhaadheer oo aan xamili Karin caruurta aan qaan gaarka
aheyn.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]