4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 27, 2017
Gudoomiye ku xigeenkii 1aad ee wakiiladda Somaliland oo la doortay iyo warbaahinta loo diiday in ay soo tabiyaan

 

Axad, August, 27, 2017 (HOL)- Kalfadhigii maanta ee golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa lagu doortay gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golahaasi oo loo doortay xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle.

Fadhigan maanta waxa ka soo xaadiray 71 xildhibaan oo ka mid ah 82 xidhibaan ee golahaasi ka kooban yahay, waxaana halkaasi tartan ku dhexmaray saddex musharax oo gobolka Awdal ka soo wada jeedda, waxaana musharnimadaasi ka tanaasulay todoba xildhibaan oo hore u shaaciyey inay u tartamayaan kursigaasi.

Saddexdan musharax laba ka mid waxaa si weyn u taageerayey labadda xisbi ee WADDANI iyo KULMIYE, Waxaanu xildhibaan  Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle watay xisbiga taladda haya ee KULMIYE oo uu  helay 50 cod, halka Xildhibaan Xasan Huffane oo uu watay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI uu helay 16 xildhibaan, halka Xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin Casood uu isna helay hal cod, taas oo u muuqatay in aanu labadda xisbi midna taageero ka haysan.

Booskan ku xigeenka kowaad ee golahaasi waxa baneeyey Baashe Maxamed Faarax oo isagu noqday gudoomiyaha golaha Wakiiladda, waxaana ku xigeenka kowaad ee golahaasi maanta loo doortay Axmed Yaasiin Ayaanle oo ah xildhibaan dhalinyaro ah.

Dhinaca kale, marka loo eego saami qaysiga beelaha ku salaysan waxa gudoomiye ku xigeenka kowaad xaq u lahaa in loo doortay Xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin oo ka soo jeedda degmadda Saylac, haseyeeshee ficiltanka ka dhexeeya labadda xisbi iyo codadka laga rabao qofka noqonaya ku xigeenka 1aad ee golahaasi ayaa sababay in labadda xildhibaan kala doortaan labadda xisbi, waxaana ku guulaystay xildhibaankii uu KULMIYE watay.

Dhinaca kale, saaka waxa golaha laga horjoogsaday inay warbaahintu gasho, waxaanay wariyeyaashu saaka hor tubnaayeen golaha hortiisa, lama garanayo sababta warbaahinta looga horjoogsaday inay doorashadda ka soo waramaan, balse waxa loo ogolaaday uun telefishanka dawladda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.