4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 27, 2017
Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan oo Bayaan ka soo saaray magaalada Beledweyne

Axad, Augusto, 27, 2017 (HOL) – Bayaan ay soo saaren odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayeey ku sheegeen in laga bilaabo maanta gobolku yeeshay maamul madaxbanaan oo lagu magacaabo sida ku qoran bayaanka Hiiraan Land

Bayaanka ayaa nuxurkiisu u dhignaa siddan :

Anagoo tixraaceyna warqaddii Odayaasha dhaqanka ay 24/08/2017 ku sheegeen mowqifkooda ku aadan arrimaha maamulka Hirshabeelle waxaan mar labaad caddeyneynaa in aanan fahmin qoraalkii ka soo baxay wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka Cabdi Faarax Juxa ee ahaa madaxweynaha maamulka Hirshabeelle u tartami karaan musharixiin ka soo jeeda beesha Xawaaadle oo kaliya, taasoo ay ku tilmaameen in ay tahay arin aan waxba ka badali karin mowqifkii hore ee beesha ee la xiriira dhismaha maamulka Hirshabeelle.

Odayaasha ayaa sheegay in bayaankan ku waafaqsan yihiin duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan oo uu ugu horeeyo Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]