4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 27, 2017
Xasan Sheekh “Dagaalyahannada Al Shabaab uma dagaallamaan Caqiido ee dhaqaalle ayeey u dagaallamaan”

 
Axad, Augusto, 27,2017 (HOL) -Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Koonfur Afrika kaga qeyb-galay shir-weyne ay kasoo qeyb-galeen qaar kamid ah Hogaamiyaashii soo maray Qaaradda Africa.

Hay’adda Thabo Mbeki foundation, ayaa isku keentay madaxda, waxaana shirka intiisa badan looga hadlay ka hortagga dhibaatooyinka soo wajaha Qaaradda, gaar ahaan caqabadaha hor taagan Nabadda, Dowlad-wanaagga iyo kala sareynta sharciga iyo kaalinta ay Afrika kaga jirto nabadeynta Caalamka.

Md. Xasan, ayaa intii uu socday kulanka waxaa uu ka hadlay arrimo ku saabsan dagaalka Al Shabaab iyo sida ay ku helaan dagaalyahannada u dagaallama.

“Wiil yar haddii uusan heysan waxbarasho, sidoo kalena uusan heysan tababar kale, mustaqbalkiisa gacanta uguma jiro. Sidaa dartee waxaa u imaanaya qof, waxaana uu leeyahay dhibaato miyaad qabtaa nagu soo biir, kadibna waxaa bisha la siinayaa 50 dollar. Intaasi kadibna waxaa uu qabanayaa shaqooyinkii kooxaha Argagixisada. Inta badan dagaalyahannada Al Shabaab uma dagaallamaan caqiido, ee waxaa ay u dagaallamaan sidii ay ku heli lahaayeen dhaqaalle”, sidaa waxaa Shirkii African Leadership Forum ka sheegay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Muhamuud.

Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa waxaa uu khudbadiisa kaga hadlay horumarka ka jira dalka Soomaaliya, gaar ahaan sida ay u dheceen doorashooyinkii ugu dambeeyay ee madaxtinimada.

Md. Xasan ayaa looga adkaaday doorashii sanadkan ka dhacay Magaallada Muqdishu, waxaana uu dalka Madaxweyne uu kasoo ahaa mudo afar sano ah.

Madaxweynayaashii hore ee dalalka, Somalia, South Africa, Tanzania, Tunisia iyo Nigeria, ayaa ka wada qeyb-galaya shirka oo soconaya labo maalin.

Hiiraan Online, News Desk