4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 27, 2017
Daacish oo sheegatay weerar uu fuliyay qof Soomaali ah

 

Axad, Augusto, 27, 2017 (HOL) – Ururka Daacish ayaa sheegtay mas’uuliyada weerar uu fuliyay qof Soomaali ah oo ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka.

War lagu qoray wakaalada wararka u faafisa Ururka Daacish oo lagu magacaabo Amaq ayaa lagu sheegay in mid ka mid ah kooxdii fulisay weerarkaas uu ka mid ahaa askartooda.

Ma sheegin magaca ninkan, hasse ahaatee booliiska Belgium ayaa goor sii horeysay sheegay in ninkan uu yahay Soomaali.

Ciidamada la dagaalanka argagixisada ayaa howl gal baaritaan ka sameeyay guriga uu degenaa ninkan oo ku yaala magaalada Bruge ee waqooyi galbeed dalka Belgium.

Ninkan Soomaaliga ayaa la sheegay inuu gallay dalka Belgium sanadkii 2004, waxaana uu dhalashada dalkaas uu qaatay sanadkii 2015.

Booliska ayaa sheegay in ninkan aysan ka filaneyn inuu geysto falkaan, mana jirin aqoon ay horay u lahaayeen laamaha dambi baarista.

Soomaalida ku nool dalka Belgium ayaa walaac ka muujiyay dhacdadan, iyagoo sheegay inay saameyn ku yeelan karto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]