Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha hoose
Axad, Augusto, 27, 2017 (HOL) – Wararka
naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in iska horimaad
xoogan uu ku dhaxmaray deegaanka Golweyn ciidamada dowladda iyo xoogag ka
tirsan Al-shabaab.
Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u
sheegay in dagaalka oo dhacay subaxnimadii hore ee saakay labada dhinac isku adeegsadeen hub culus iyo
madaafiic.
Al-shabaab ayaa sheegatay in ayaa
sheegatay in ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Golweyn ee gobolka
Shabeellaha hoose.
Laakiin dhinaca kale sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda oo la hadlay mid
ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa beeniyay in laga qabsaday deegaankaas.
Waxaa uu sheegay in ay iska difaaceen weerarkaas, islamarkaana dhinaca
Al-shabaab ay uga fureen qori Ak47 ah sida uu yiri.
Deegaanka Golweyn ayaa ku taala meel istiraatiiji ah oo sahayda u marta ciidamada
AMISOM ee ku sugan degmooyinka Buulo Mareer iyo Marka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]