Gollaha wasiirada oo lagu amray in aysan isticmaalin Baraha Bulshada ogolaasho la’aan
Axad, Augusto, 27, 2017 (HOL) – War
qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya
Mahadi Maxamed Guuleed ayaa lagu amray
xubnaha gollaha wasiirada in aysan isticmaali karin baraha bulshada iyo
warbaahinta qeybaheeda kala duwan, iyagoo aan ogolaansho heysan.
Qoraalka ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa lagu faray dhamaan wasiirada in
aysan isticmaali karin baraha bulshada, Idaacadaha, Telefishinada iyo wixii la
xiriira warbaahin, ay u baahan tahay in marka hore ogolaansho ka heystaan
xafiiska ra’iisal wasaaraha.
Sidoo kale waxa la faray wasiirada in aanay ka hadli karin arrimo
siyaasadeed oo xasaasi ah, isla markaana loo baahan yahay in la isla ogyahay
mowduuca ay ka hadlayaan ee quseeya xukuumadda.
Arintan ayaa ka danbeysay kaddib markii xubnaha gollaha wasiirada qoraalo
iska soo horjeeda ama is burinaya ku faafiyeen Baraha Bulshada kuwaa oo la xiriira dhacdadii Bariire ee lagu dilay
dadka rayidka, taasoo keentay in warbaahinta iyo bulshada inteeda kale ku
jahwareeraan.
Akhriso Qoraalka ka soo baxay ra’iisal
wasaare ku-xigeenka :
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]