Axad, Augusto, 27, 2017 (HOL) –Shirkan oo
laba maalmood ka socday caasimadda dalka Mozambique ee Maputo, ayaa waxaa
Wadamada Africa u qabtay Dowladda Japan waxana lagu casuumay wasiiradaha arimaha
dibeda , danjirayaasha Safaaradaha wadamada Africa-da Koonfuureed iyo
Aqoonyahinanno.
Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya, Yusuf Garaad
Cumar iyo danjiraha dowladda Soomaaliya u matala wadamada dhaca Africa –da Koonfureed, Danjire Jamal Barrow
ayaa Soomaaliya ugu qeyb-galay.
Intii uu socday Shirkan ayaa waxaa qudbado ka jeediyay madaxweynaha dalka
Mozambique iyo Wasiirka Arimaha dibadda ee dalka Japan oo labaduba sheegeen in
Africa uu dhaqaalaheeda soo kobcayo loona baahanahay in la hormariyo.
“Horumar ballaaran oo dhinac waliba leh ayaa ka jira Qaaradda Africa, gaar
ahaan dhaqaalaha Africa waxaa uu u muuqdaa mid soo kobcayo, waxaase loo
baahanyahay in la sii joojiyo dadaalada ku aadan horumarinta kaabayaasha
dhaqaalaha ee Qaaradda” ayuu yiri wasiirka arimaha dibedda Japan.
Ugu danbeyntii shirka ayaa laga soo saaray qodobo muhiim oo ay ka mid
yihiin,baahida ganacsi xor ah oo dhex mara Africa iyo Japan, horumarinta
kaabayasha dhaqaale ee Africa,Kobcinta maalgashi toos ee ah ee Africa, ballaarinta
dhisidda ganaciyada yar yar iyo kuwa dhex-dhexaadka ah, iyo horumarinta
adeegyada Aas-aasiga oo ay ka mid yihiiin Waxbarashada, caafimaadka iyo
biyaha nadiifka.
Shirkan Japan iyo Africa ayaa sanad walba la qabtaa waxaana sanadkii lasoo
dhaafay lagu qabtay magaalada Nairobi, waxeyna dowladda Japan ka mid tahay dowladdaha
sanadihii dambe Africa kala shaqeynayay horumarinta iyo kaabayasha dhaqaale ee
Qaaradda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]