4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 27, 2017
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo xarigga ka jaray xarunta maamulka Internet-ka ee hay’adaha Dowladda

 
Axad, Augusto, 27,2017 (HOL) -Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa Sabtidii shalay si rasmi ah u furay xarunta dhexe ee maamulka Internet-ka hay’adaha dowladda (Network Operations Center - NOC) ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknooljiyada, taasoo ah middii ugu horreysay ee nooceeda ah ee laga hirgeliyo caasimadda.

Xaruntan oo laga qeybiyo Internet-ka lagu bixiyo khadka Fiber Optic-ga ah oo la dhigay ilaa 15 xarumood oo ku yaalla caasimadda ayaa khadka internet-ka laga gaarsiiyaa illaa 26 hay’adood oo isugu jira wasaarado iyo hay’ado kale oo ka tirsan dowladda Federaalka ah. Mashruucan oo dhinaca maaliyadda uu ka taageero Bankiga Adduunka, wuxuu sidoo kale wasaaradaha u fidin doonaa taageero dhinaca farsamo ah iyo cillad-bixin joogto ah.

Wasiirka Waxbarashada, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan iyo Garyaqaanka Qaranka, Mudane Dr. Cusmaan Cilmi Guuleed, ayaa ku tilamaamey xaruntan mid adeeg muhiim ah u haysa wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda, iyagoo intaas ku daray in adeeggan uu sare u qaadayo waxqabadka iyo wax-soo-saarka hay’adaha dawladda.

Mudane Cabdi Cashuur Xasan, wasiirka boostada, isgaarsiinta iyo teknooljiyada, ayaa sheegay in adeeggan uu qeyb ka yahay waxyaabaha ay Wasaaraddu ku soo ceshaneyso kaalintii laga filayay ee ahayd inay adeegyo teknoolojiyad siiso hay’adaha dawladda. "Waan dareensannahay in adeegga internet ee aan bixinno uusan wada gaarin dhammaan wasaaradaha iyo hay'adaha dawladda, welina loo baahan yahay in la kordhiyo xawaarihiisa. Hase yeeshee, waxaan ka shaqeyneynaa sidii adeeggaas loo ballaarin lahaa mustaqbalka dhow hadduu Alle idmo” ayuu yiri wasiirku.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia