4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 25, 2017
Wasiirka gaashaandhigga : Dadkii lagu laayay Bariire waa ay hubeysnaayeen

 

Jimco, Augusto, 25, 2017 (HOL) –Dowladda Soomaaliya ayaa qiratay in ay ka danbeysay weerarkii lagu qaaday deegaan hoostaga degmada Bariire ee la sheegay in lagu laayahay dad shacab ah oo qaarkood maanta la keenay meydadkooda magaalada Muqdisho.

Wasiirka wasaarada gaashaandhiga Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay in weerarkaasi fuliyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, isaga oo meesha ka saaray in weerarkaasi qeyb ka ahaayeen ciidamo ka tirsan shirkadda Bancroft oo ay sheegeen dadka deegaanka ay in howlgalka ka qeybqaateen

‘’Dadkan waxaa ay ahaayeen dad hubeysan oo ciidamada rasaas ku furay sidaa ayeey ku dhinteen, wixii intaa dhaafsiisan waan baareynaa’’ ayuu yiri wasiirka.

Wasiir Cabdirashiid ayaa sheegay in aysan ka warqabin in dadka dhintay ay ka mid ahaayeen Carruur, isaga oo sheegay in warka ay hayaan yahay oo kaliya in dadka goobta lagu laayay ahaayeen dad hubeysnaa oo rasaas adeegsaday.

Meydadka maanta la soo gaarsiiyay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka mid ahaa Carruur iyo dad waayeel ah oo la sheegay in lagu dilay howlgalkii maanta ka dhacay deegaan hoostaga degmada Bariire.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]