3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 25, 2017
Meydadka dad rayid ah oo lagu dilay howlgal laga fuliyay Bariire oo Muqdisho la keenay


Jimco, Augusto, 25, 2017 (HOL) – Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa goor dhaw oo maanta ah warbaahinta loogu soo bandhigay meydadka ilaa 10 ruux oo rayid ah oo la sheegay in lagu dilay howlgal ay wada jir uga fuliyeen ciidamo Mareykanka ah iyo kuwa Soomaaliya deegaan u dhaw degmada Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dadka oo intooda badan la sheegay in ay isku qoys ka soo jeedeen ayaa ka mid ahaa labo carruur ah oo ka mid ahaa dadka maanta meydadkooda la soo bandhiga.

Ciidamo Mareykan ah oo ay wehliyeen ciidamo Soomaali ah ayaa la sheegay in waabarigii hore ee saakay howlgal ka sameeyeen dhul beeraley ah oo ku dhow Bariire, halkaasoo dadkan ay ku dileen.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya oo la xiriira weerarkan la sheegay in  lagu dadka rayidka ah.

Taliska howlgalka gaarka ee iidamada Mareykanka ee Africa, oo ay Hiiraan Online la xirirtay, ayaa sheegay in aysan jirin duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen Bariire 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
8/25/2017 12:59 PM EST
Jimco, Augusto, 25, 2017 (HOL) –Dowladda Soomaaliya ayaa qiratay in ay ka danbeysay weerarkii lagu qaaday deegaan hoostaga degmada Bariire ee la sheegay in lagu laayahay dad shacab ah oo qaarkood maanta la keenay meydadkooda magaalada Muqdisho.

8/25/2017 6:20 AM EST
Jimco, Augusto, 25, 2017 (HOL) – Guddoomiiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa sheegay in dhawaan ay soo magacaabi doonaan guddiga doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabeella, kaddib markii baarlamaanka Hirshabeelle uu kalsoonidii kala noqday madaxweynihii maamulka Cali Cabdullaahi Cosoble.

8/25/2017 5:42 AM EST
Jimco, Augusto, 25, 2017 (HOL) –Duqeyn diyaaradeed oo xalay ka dhacday tuulo u dhow deegaanka Bariire, ayaa waxaa lagu dilay sagaal qof oo beeraley ah, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

8/25/2017 4:21 AM EST
Jimco, Augusto, 25, 2017 (HOL) –Ciidamada dowladda Ciraaq ayaa si buuxda ugu hareereeysmay kooxda Daacish ee ku sugan magaalladda Tal Afar ee waqooyga dalka Ciraaq, sida dowladda ay sheegtay.

8/25/2017 3:09 AM EST
Jimco, Augusto, 25, 2017 (HOL) –Guddoomiye ku-xigeenka dhanka amniga ee gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji ayaa sheegay mid kamid ah Taliyeyaasha Howlgelinta Al-shabaab ee Gedo in uu isku soo dhiibay ciidanka dowladda.

8/25/2017 2:13 AM EST
Jimco, Augusto, 25, 2017 (HOL) –Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo shalay yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa waxaa shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre.

8/25/2017 1:57 AM EST
Jimco, Augusto, 25, 2017 (HOL) –Qaramada Midoobey ayaa ku baaqday in si ku-meel gaar ah loo hakiyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda magaalladda Raqqa ee dalka Suuriya.

8/25/2017 1:43 AM EST
Jimco, Augusto, 25, 2017 (HOL) –Dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar ballaaran ku qaaday fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degaanka Qaansheeg oo ku yaalla duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sidad dadka deegaanka ay sheegeen.