4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 25, 2017
10 qof oo beeraley ah oo ku dhintay duqeyn ka dhacay tuulo u dhow Bariire iyo Mareykanka oo ka hadlay

 
Jimco, Augusto, 25, 2017 (HOL) –Duqeyn diyaaradeed oo xalay ka dhacday tuulo u dhow deegaanka Bariire, ayaa waxaa lagu dilay 10 qof oo beeraley ah, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

“Meydadka dadkii ku dhintay duqeynta ayaa la keenay magaalladda Muqdisho, waxaana sidoo kale duqeynta ku dhaawacmay laba qof oo kale”, intaas ayeey raaciyeen hadlkooda.

Dhinaca kale qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in diyaaradaha duqeynta geystay ay u maleynayaan in ay yihiin kuwa dowladda Mareykanka.

Taliska howlgalka gaarka ee Ciidamada Mareykanka ee Africa, oo ay Hiiraan Online la xirirtay, ayaa sheegay in aysan jirin duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen Bariire 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Ilaa iyo hadda lama oggaan sababta loo beegsaday beeraleyda balse Ciidamada dowladda iyo kuwo cadaan ah ayaa deegaanka Bariire ee jiinka wabiga shabeelle dhacay waxaa ay ka qabsadeeen Al Shabaab.

Ciidamada Huwanta ah ayaa la wareegay deegaankan oo 14 km dhinaca koonfureed ka xiga degamada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Intii uu dagaalka socday, 7 qof oo rayid ah ayaa dhimatay markii ay miino la qaraxday gaari caasi ah oo ay ku qaxayeen duleedka Bariire.

Bariire oo ah Tuulo yar oo ay degenyihiin dad beeraley ah ayaa waxaa ay sanadihii ugu dambeeyay saldhig weyn u aheyd al-Shabab, oo halkaasi ku lahaa laba maxkamadood oo ay dacwadaha ku qaadaan.

Bishii May ee sanadkan ayaa waxaa Bariire lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada Marineska Mareykanka, ka dib weerar ay ku qaadeen iyagoo wehliya ciidamada Somalia dhismo ay ku sugnaayeen saraakiil al-shabab ka tirsan.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia