4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 25, 2017
Maamulka Gobolka Gedo “Mid kamid ah Taliyeyaasha howlgelinta Al-shabaab ayaa isasoo dhiibay”

 
Jimco, Augusto, 25, 2017 (HOL) –Guddoomiye ku-xigeenka dhanka amniga ee gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji ayaa sheegay mid kamid ah Taliyeyaasha Howlgelinta Al-shabaab ee Gedo in uu isku soo dhiibay ciidanka dowladda.

Sarkaalka isasoo dhiibay ayuu magiciisu ku sheegay Cali Xuseen.

“Waxaa jiray howlgallo amniga lagu xaqiijinayo oo ay wadaan ciidanka dowladda, kuwaas oo sidoo kalena looga hortagayo falalka amni daradda ah ee mararka qaar ka dhacay Gedo”. Ayuu yiri.

Guddoomiye Cusmaan, ayaa dhanka kale cadeeyay dadka lagu soo qab qabtay howlgalada in ay hada ku jiraan xabsiyada, laguna sameynayo baaritaanno, si loo kala saaro, oo cidii dambi lehna loo xukumo.

Kooxda Al Shabaab oo inta badan weeraro ka geysta gobolka Gedo, ayaa waxaa ay la kulmaan duqeymo diyaaradeed oo inta badan ay fuliyaan dowladdaha Kenya iyo Mareykanka.

23-kii bishan sarkaal Al Shabaab ka tirsanaa oo magaciisa lagu sheegay Sakariye Ibraahin C/llaahi, ayaa isku soo dhiibay ciidanka dowladda eek u sugan Gobolka Hiiraan.

Sakariye, ayaa Al Shabaabka ku sugan deegaannada Bari ee gobolka Galgaduud u qaabilsanaa dhanka caafimaadka, sida dowladda ay sheegtay.

Jeneraal Axmed Maxamed “Taree Dishe” oo ka mid ah saraakiisha ciidamada XDS ayaa sheegay in sarkaalka oo 19 sano jir ah uu soo galay gacanta dowladda, kaddib markii uu si iskiis ah usugu soo dhiibay ciidamada.

Hiiraan Online, News Desk