4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 25, 2017
Golaha wasiiradda oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ugu digay isticmaalka xeebaha dalka xilliyada ay Baddu kacsantahay

 
Jimco, Augusto, 25, 2017 (HOL) –Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo shalay yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa waxaa shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay ansixinta Sharciga Istaatistikada, laguna qeybiyey shuruucda Dambiyada Jinsiga iyo kan Ururada Aan dowliga aheyn, isla markaasna looga hadlay arrimaha Amniga, Dastuurka, Maaliyada, waxqabadka dowladda iyo isticmaalka xeebaha dalka xiliyada ay baddu kacsantahay.

Shacabka ayaa looga digay Xeebaha dalka xilliyada ay Baddu kacsantahay, tan oo dad badan naftooda ku waayey. Sidoo kale doomaha waxaa la faray in shaqsi walba loo xiro Jaakada dabaasha, iyo in xilliyada Baddu kacsantahay aysan rakaab qaadin.

Go’aannada ayaa markii ugu horeeysay laga soo saaray shirka Golaha Wasiiradda tan iyo markii lasoo dhisay.

Xeebaha dalka ayaa inta badan waxaa loo dabaal doontaa maalmaha Jimcaha iyo Khamiista. 
Bishii June ee sanadkan, Maamulka degmada Cabdicasiis ee magaalladda Muqdisho ayaa ku warramay in Xeebta Liido laga helay meydadka lix qof oo dhallinyaro ah, oo ay baddu soo tuftay.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Cabdicasiis, Xasan Xaaji Abuukar oo xiligaasi BBC-da u warramay ayaa sheegay in arrintan ay sababtay badda oo kacsan iyo dad badan oo aan dabbaal aqoon oo xeebta tagay maalmihii ciidda.

“Markii aan tagnay oo aan meydadka soo qaadnay haddana saacado kaddib ayaa nalagu soo wargaliyey  in labo qof oo meyd ah ay soo tuftay haddana muddo markii saacado laga joogay ayey badda soo tuftay”ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka degmada.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia