4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 25, 2017
Qaramada Midoobey oo ku baaqday in la hakiyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee Magaalladda Raqqa

 
Jimco, Augusto, 25, 2017 (HOL) –Qaramada Midoobey ayaa ku baaqday in si ku-meel gaar ah loo hakiyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda magaalladda Raqqa ee dalka Suuriya.

Ujeedka loo hakinayo dagaalka ayey QM ku sheegtay sidii dadka rayidka ah loogu oggolaan lahaa inay halkaasi isaga cararaan maadaama dagaalka uu sii xoogeysanayo.

Qiyaas ahaan 25,000 oo qof oo shacab ah ayaa wali ku go'doonsan magaalladda, kuwaas oo ku wareersan jihadda ay uga bixi lahaayeen magaalladda Raqqa.

Isbahaysiga uu mareykanka taageero ee ka kooban carabta iyo kurdiyiinta ayaa isku dayaya in ay magaalladaasi kala wareegaan dagaalyahannada kooxdaasi dowladda Islaamka.

Madaxa gargaarka Qaramada Midoobey u qaabilsan Suuriya, Yan Egeland, ayaa sheegay in ay suurtagal tahay in magaaladani Raqa ay tahay meesha ugu xun ee caalamka maanta la joogo, waxaana habboon buu yiri in la qadariyo dhammaan waxyaabaha xal u noqon kara in shacabka halkaa ku xayiran laga soo badbaadiyo kooxdaasi jihaadiga ahi.

Qaramada Midoobey ayaa sheegeysa in xoogagga dimuquraadiga ee Suuriya ee uu mareykanka taageero ay haatan la wareegeen gacan ku haynta ku dhawaad boqolkiiba 60 magaalladda Raqa.

Magaaladaasi ayaa sidoo kale la qiyaasayaa in ay ku dhex go'doonsan yihiin ku dhawaad labo kun oo ka tirsan mintidiinta kooxda dowladda islaamka, kuwaasi oo u dagaalamaya sidii ay naftooda u difaacan lahaayeen.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia