4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 24, 2017
Go’aamo laga soo saaray colaadii Buuhoodle

 

Khamiis, Augusto, 24, 2017 (HOL) – Wadahadal dhexdhexaadin ah oo labadii maalmood ee u danbeeyey ka soconayey magaalada Buuhoodle ayaa laga soo saaray qodobo labada dhinac ee dirrirtu dhexmartay ay ku heshiiyeen.

Guddi dhexdhexaad ah oo ka kala yimi degaano badan ayaa hawshan u fududeeyey in 30 xubnood oo labada dhinac ah ay wadaxaajood isu soo horfadhiistaan, ka dib markii laga qaaday ciidamadii labada dhinac.

Qodobada ka soo baxay ee labada dhinac isla qaateen ayaa waxaa ka mih in dadkii dhintay ee labada beelood ahaa labada dhinac bixyaan magtooda, in dadka dhaawaca ah qolo waliba dawaysato wixii ka dhaawacmay, wixii dadka kale ahna iyagu qabaan oo loo qaybinayo.

Waxaa kale oo qodobada muhiimka ah ee laga soo saaray in qofkii qof dila loo dilo, waxaa kale oo labada beelood lagu ganaaxay 50 halaad iyo 40 halaad iyadoo mid lagu eedeeyey gacan ku dhiigle la fakiyey beesha kalena degdeg aanay sugin baadigoobka lagu maqnaa ee ay xabada kaga jawaabeen.

Dhaliyarada, waxgaradka iyo Haweenka labada beelood ayaa wada si wadajir ah kulamo ugu yeelaya xaafadaha magaalada Buuhoodle iyadoo ay ka shaqaynayaan midowga dhalinyarada oo maalmihii la soo dhaafay wadey dadaal ay ku xakamaynayeen colaadan oo ay ku dhinteen 11 ruux oo mid ka mid ahi ahaa ergadii gurmadka u tagtay degaankaas,

Si kastaba ha ahaatee magaalada Buuhoodle ayaa maanta ka bedelan sidii ay ahayd maalmihii la soo dhaafay, waxaana si aad ah loo hadal hayaa socodsiinta Qisaasta oo magaaladaasi mudooyinkii u danbeeyey sharci rasmi ah u ahaa iyadoo 12 ruux laysu diley mudo sanad ka yar.

Seynab Cabdi Warsame

Laascaanood G. Sool

[email protected]