Khamiis, Augusto, 24, 2017 (HOL) – Ku-xigeenka
xog-hayaha guud ee QM dhinaca siyaasada Jeffrey Feltman ayaa maanta soo
gaaray magaalada Muqdisho, waxaana uu kulamo la qaadanayaa madaxda dowladda.
Waxaa lagu wadaa in mas’uuliyiinta dowladda iyo ku-xigeenka xog-hayaha QM ka
wada hadlaan arrimaha siyaasada, horumaradii la sameeyay iyo waxyaabaha
hor-yaala sida dib u eegista dastuurka iyo sidii dalka uga dhici laheyd
doorasho qof iyo cod.
Jeffrey Feltman oo wehliyo wakiilka
Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa kulan la leh guddoonka
baarlamaanka labada Aqal iyo wasiiru uu ka mid yahay wasiirka dastuurka
Soomaaliya.
Kulankan ayaa looga hadlayaa arrimaha dib u eegista dastuurka iyo siyaasad
loo dhan yahay, waxaa kulanka ku sugan guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed
Sheekh Cusmaan Jawaari, Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo
kuxigeenkiisa Abshir Bukhaari.
Sidoo kale waxaa uu la kulmi doonaa ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada
Midoobey Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.
Booqashadan ayaa imaneysa xili maalintii shalay kulan ballaaran uu magaalada
Muqdisho ku dhaxmaray madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya iyo wakiilada
beesha caalamka oo ka wada hadlay arimo badan oo quseeya siyaasada iyo hormarinta
dhaqaalaha.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]