4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 24, 2017
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh oo ka qeyb-galaya shir-weynaha Hogaamiyaashii soo maray Qaaradda Africa

 

Khamiis, Augusto, 24, 2017 (HOL) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Koonfur Afrika kaga qeyb-galaya shir-weyne ay soo qaban qaabisay hay”dda Thabo Mbeki foundation, kaas oo ay ka qeyb-galayaan Hogaamiyaashii soo maray Qaaradda Africa.

Shirka ayaa sanadkan waxaa looga doodi doonaa ka hortagga dhibaatooyinka soo wajaha Qaaradda gaar ahaan caqabadaha hor taagan Nabadda, Dowlad wanaagga iyo kala sareynta sharciga iyo kaalinta ay Afrika kaga jirto nabadeynta  Caalamka.

“Dalkan South Africa waxaan u imid inaan ka qeyb-galno shir ay ka qeyb-galayaan Madaxweynaashii hore ee Qaaradda Afrika iyo dad waxgarad ah oo loogu hadlayo hogaanka Qaaradda, waxaana lagu wadagayaa waaya aragnimada”. ayuu sheegay mar uu wareysi siinayay warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Mudanayaasha lagu casuumay kulanka ayaa waxaa lagu waddaa in ay qudbado ay ka jeediyaan ina uu sodo kulanka labada maalin ah.

Madaxweynayaashii hore ee Dalalka South Africa, Tanzania, Tunisia iyo Nigeria, ayaa ka wada qeyb-galaya shirka.

Md. Xasan ayaa looga adkaaday doorashii sanadkan ka dhacay Magaallada Muqdishu, waxaana uu dalka Madaxweyne uu kasoo ahaa mudo afar sano ah.

Madax ka tirsan safaaradda Soomaalidda ee dalkaasi iyo qaar kamid ah jaaliyadda ayaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya kusoo dhoweeyay dalkaasi Koonfur-Africa. 
Dhinaca kale wariyaal ku sugan dalka Koonfur Africa ayaa sheegay in ay macaquul tahay in Mudane Xasan Sheekh uu la kulmo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia