3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 24, 2017
Booliska Magaalladda Bristol oo xabsiga dhigay Aabe Soomaaliyeed oo xaaskiisa ku dilya mindi

 
Khamiis, Augusto, 24, 2017 (HOL) –Hooyo soomaaliyeed oo 27-jir ah ayaa isniintii lasoo dhaafay lagu dilay magaalladda Bristol ee dalka Britain, kadib marki uu toorreeyay seygeeda oo lagu magacaabo Aden Dahir.

“Gabadha waxaa kutaalay laba tooreey, mid dhinaca bidix ah iyo mid kale oo dhinaca midig kaga taalay, balse mindidii kaga taallay dhinaca midig ayeey u geeryootay”, sida ay sheegtay Ayaan Cabdulaahi Macalin oo ku sugan magaalladda Bristol, qaraabo dhowna ay yihiin marxuumad Aasiya Cumar iyo odaygeedii Aden Daahir.

Aasiya Cumar oo aheyd hooyo Soomaaliyeed oo dhalinyara ah, ayaa waxaa ay ifka kaga tagtay wiil 8 jir ah iyo gabar 4 jir ah.

Booliska Magaalladda Bristol ayaa xabsiga dhigay gacan ku dhiiglaha, waxaana ay weydiinayaa su'aallo ku saabsan dilka Aasiya. 

Lamaanaha ay qadarta ku dhacday, ayaana la sheegin khilaaf xooggan oo ka dhex toognaa, balse waxaa saacad ka hore dilka la cadeeyay in uu jiray buuq yar oo aan sidaasi u saameyn badneyd.

Soomaalidda ku nool magaalladda Bristol ee dalka Britain, ayaa sheegay in ay ka naxeen dhibka gaaray hooyo Aasiya Cumar, waxaana Allah ay uga baryeen in janadii fardowsa uu ka waraabiyo.

Dhinaca kale 2015-kii Nin Soomaali ah ayaa dalka Norway ku dilay xaaskiisa, kadibna booliska isku dhiibay. 6 caruur ah oo uu ninkani dhalay ayaa la sheegayaa inay la wareegtay dowladda Norway. Dilkan oo ka dhacay meel ka baxsan magaalladda Oslo ayaa argagax ku reebay Soomaalida halkaasi dagan.

Dhibaatooyinka ka dhex dhaca lamaanayaasha qurba –joogta ah ayaa natiiyadooda inta badan waxaa ay ku dhimaataa falal naxdin leh, sida in la is toorreeyo

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia













Click here
8/24/2017 11:45 AM EST
Khamiis, Augusto, 24, 2017 (HOL) – Wadahadal dhexdhexaadin ah oo labadii maalmood ee u danbeeyey ka soconayey magaalada Buuhoodle ayaa laga soo saaray qodobo labada dhinac ee dirrirtu dhexmartay ay ku heshiiyeen.

8/24/2017 10:49 AM EST
Khamiis, Augusto, 24, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray Maxjarka Xanaanada Xoolaha ee Jubba kaasoo laga hir-galiyay duleedka magaalada Kismaayo

8/24/2017 10:24 AM EST
Khamiis, Augusto, 24, 2017 (HOL) – Iyadoo dowladda federaalka Soomaaliya dhawaan go’aan ka qaadatay xiisadii siyaasadeed ee khilaafkii soo kala dhaxgalay maamulka Hirshabeelle, kuna baaqay in la qabto doorasho madaxweyne’’ ayaa waxaa arintaa ka soo horjeestay odayaal iyo waxgarad ku shiray magaalada Beledweyne.

8/24/2017 8:42 AM EST
Khamiis, Augusto, 24, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa kulan la yeeshay ku-xigeenka xog-hayaha QM ee dhinaca siyaasada Jeffrey D. Feltman oo maanta Muqdisho.

8/24/2017 7:09 AM EST
Khamiis, Augusto, 24, 2017 (HOL) – Ku-xigeenka xog-hayaha guud ee QM dhinaca siyaasada Jeffrey Feltman ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana uu kulamo la qaadanayaa madaxda dowladda.

8/24/2017 4:50 AM EST
Khamiis, Augusto, 24, 2017 (HOL) – Safiirkii Ruushka ee dalka Suudan Mirgayas Shirinskiy ayaa meydkiis laga helay barkada dabaasha ee qolkiisa magaalada Khartuum ee dalka Suudaan maalintii Arbacada shalay , sida ay sheegeen saraakiisha booliiska.

8/24/2017 3:07 AM EST
Khamiis, Augusto, 24, 2017 (HOL) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Koonfur Afrika kaga qeyb-galaya shir-weyne ay soo qaban qaabisay hay”dda Thabo Mbeki foundation, kaas oo ay ka qeyb-galayaan Hogaamiyaashii soo maray Qaaradda Africa.

8/24/2017 1:48 AM EST
Khamiis, Augusto, 24, 2017 (HOL) –Dowladda Masar ayaa xabsiga dhigtay 12 qof oo looga shakisan yahay in ay ku lug lahaayeen ka ganacsiga xubnaha jirka bani'aadamka, sida warbaahinta dalkaasi ay sheegeen.

8/24/2017 1:23 AM EST
Khamiis, Augusto, 24, 2017 (HOL) –Tababare Police oo ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee (AMISOM) ayaa Arbacadii shalay sheegay in ay bilaabeen tababar socon doona 10 maalmood, kaas oo ciidamada Police-ka Soomaaliya lagu barayo ka hortagida falalka argagixisada, si loo hagaajiyo khibradooda ku wajahan ladagaalanka argagixisanimada.

8/24/2017 12:54 AM EST
Khamiis, Augusto, 24, 2017 (HOL) –Kooxo hubeysan ayaa xalay xaafadda Xaawo Taako ee degmadda Afgooye ku dilay Nabadoon Duraan Cali Axmed oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee Degmada Afgooye, sida uu sheegay Madaxa Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose.