4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 24, 2017
Dowladda Masar oo xabsiga dhigtay 12 qof oo lagu eedeeyay ka ganacsiga xubnaha jirka bani'aadamka

 
Khamiis, Augusto, 24, 2017 (HOL) –Dowladda Masar ayaa xabsiga dhigtay 12 qof oo looga shakisan yahay in ay ku lug lahaayeen ka ganacsiga xubnaha jirka bani'aadamka, sida warbaahinta dalkaasi ay sheegeen.

Booliska ayaa sheegay in baaritaanno xooggan ay ku hayeen dadka lasoo qabtay.

“12-ka qof waxaa kamid ah dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad, waxaana laga qabtay xarun caafimaad oo ku taalla magaalladda Qaahira”, sidaasi waxaa yiri sarkaal Police.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi ayaa waxa ay sheegtay in dadkaasi la xiray ay qayb ka ahaayeen shabakad dambiilayaal ah oo aad u ballaaran.

Dadkan ayaa lagu eedeynayaa in ay kelliyaha iyo xubnaha kale ee muhiimka ah ka bixinayeen dadka saboolka ah oo ay ku jiraan muhaajiriinta.

Xubnahaasi bani'aadamka ayaa la sheegayaa in loo gelinayay dadka hodanka ah ee reer Masar iyo ajaanibta kale ee u baahan.

Wal-wal xooggan ayaa soo wajahay dad badan oo ku nool dhulalka fog-fog ee dalkaasi, maadaama la sheegay in dadka la dhibaateeyo intooda badan laga keeno deegaannadaasi.

Sidoo kale waxaa la sheegay in dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad ay dadka suuxin jireen si ay uga saaraan xubnaha muhiimka ah.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia