4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 24, 2017
Midowga Africa oo Booliska Soomaaliya siinaya tababaro la xiriira ladagaalanka argagixisanimada iyo difaaca carruurta

 
Khamiis, Augusto, 24, 2017 (HOL) –Tababare Police oo ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee (AMISOM) ayaa Arbacadii shalay sheegay in ay bilaabeen tababar socon doona 10 maalmood, kaas oo saraakiil ka tirsan ciidamada Police-ka Soomaaliya lagu barayo ka hortagida falalka argagixisada, si loo hagaajiyo khibradooda ku wajahan ladagaalanka argagixisanimada.

Christopher Kashita, ayaa sidoo kale sheegay in ujeedka tababarka uu yahay adkeynta awoodda ciidanka Police-ka Soomaaliya, si ay ula yimaadaan adeeg wanaagsan oo sare loogu qaadi karo badbaadada dadka.

“Tababarka waxaa sal u ah qalabeynta ciidanka iyo dhisida aqoonta lagama maarmaanka ah, xirfadaha iyo sidoo kale habdhaqanka”, ayuu yiri.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (SPF) Mukhtar Xuseen Afrax,  ayaa sheegay in tababarku uu qayb ka yahay dadaalada lagu xoojinayo Bilayska Soomaaliya iyaga oo qalabaynaya aqoonta iyo xirfadaha lagama maarmaanka u ah sidii loo sugi lahaa ammaanka dalka.

"Koox waxaa loo tababarayaa arrimaha ku saabsan xadgudubka caruurta, dhammaan carruurta Soomaaliya waxaa waajib ah in ay heleen difaac”, ayuu halkiisa sii raaciyay.

Ciidanka Booliska Soomaaliya, ayaa hadda si wanaagsan uga howlgalaya gees kasta oo magaalladda Muqdisho ah.

Ciidanka Booliska Soomaaliya waa ciidanka Qaranka Soomaaliya, xaruntooda waxee ku taalaa Gobolka banaadir ee Muqdisho. Waagii hore, booliska soomaaliya waxaa ay saldhigyo kulahaan jireen gobol kasto, waxaana ay maamuli jireen magaallo kasto oo dalka ku taalo. 

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia