3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 24, 2017
Faah-faahin: Kooxo hubeysan oo xalay nabadoon caan ah ku dilay Degmada Afgooye

 
Khamiis, Augusto, 24, 2017 (HOL) –Kooxo hubeysan ayaa xalay xaafadda Xaawo Taako ee degmadda Afgooye ku dilay Nabadoon Duraan Cali Axmed oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee Degmada Afgooye, sida uu sheegay Madaxa Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose.

Kooxda dilka geysatay ayaa ku hubeysneed bastoolado, waxaana ay ka carareen goobta markii dilka ay geysteen kadib.

Cumar Maxamuud Cilmi (Cumar Carabey), Madaxa Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegay in hay'adaha ammaanka ay wadaan baaritaano ku aadan kuwii dilka gaystay.

"Hay'adaha ammaanka ayaa wada baaritaanno ku saabsan dilkan, haddii ay dileen Al Shabaab iyo haddii ay dad kale dileenba dib ayaan Saxaafadda uga soo sheegi doonnaa." ayuu yiri Cumar Maxamuud Cilmi.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyad dilka ka dhacay degmadda Afgooye. Dhinaca kale laba habeen oo is xig-xigta ayuu dagaal ka dhacay degmadda Afgooye, kaas oo uu u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab.

Degmadda Afgooye oo 30km u jirta magaalladda Muqdishu, ayaa waxaa dhowr jeer weer kusoo qaaday Al Shabaab, balse waxaa ay la kulmeen iska caabin xooggan.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia













Click here
8/24/2017 11:45 AM EST
Khamiis, Augusto, 24, 2017 (HOL) – Wadahadal dhexdhexaadin ah oo labadii maalmood ee u danbeeyey ka soconayey magaalada Buuhoodle ayaa laga soo saaray qodobo labada dhinac ee dirrirtu dhexmartay ay ku heshiiyeen.

8/24/2017 10:49 AM EST
Khamiis, Augusto, 24, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray Maxjarka Xanaanada Xoolaha ee Jubba kaasoo laga hir-galiyay duleedka magaalada Kismaayo

8/24/2017 10:24 AM EST
Khamiis, Augusto, 24, 2017 (HOL) – Iyadoo dowladda federaalka Soomaaliya dhawaan go’aan ka qaadatay xiisadii siyaasadeed ee khilaafkii soo kala dhaxgalay maamulka Hirshabeelle, kuna baaqay in la qabto doorasho madaxweyne’’ ayaa waxaa arintaa ka soo horjeestay odayaal iyo waxgarad ku shiray magaalada Beledweyne.

8/24/2017 8:42 AM EST
Khamiis, Augusto, 24, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa kulan la yeeshay ku-xigeenka xog-hayaha QM ee dhinaca siyaasada Jeffrey D. Feltman oo maanta Muqdisho.

8/24/2017 7:09 AM EST
Khamiis, Augusto, 24, 2017 (HOL) – Ku-xigeenka xog-hayaha guud ee QM dhinaca siyaasada Jeffrey Feltman ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana uu kulamo la qaadanayaa madaxda dowladda.

8/24/2017 4:50 AM EST
Khamiis, Augusto, 24, 2017 (HOL) – Safiirkii Ruushka ee dalka Suudan Mirgayas Shirinskiy ayaa meydkiis laga helay barkada dabaasha ee qolkiisa magaalada Khartuum ee dalka Suudaan maalintii Arbacada shalay , sida ay sheegeen saraakiisha booliiska.

8/24/2017 3:07 AM EST
Khamiis, Augusto, 24, 2017 (HOL) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Koonfur Afrika kaga qeyb-galaya shir-weyne ay soo qaban qaabisay hay”dda Thabo Mbeki foundation, kaas oo ay ka qeyb-galayaan Hogaamiyaashii soo maray Qaaradda Africa.

8/24/2017 2:18 AM EST
Khamiis, Augusto, 24, 2017 (HOL) –Hooyo soomaaliyeed oo 27-jir ah ayaa isniintii lasoo dhaafay lagu dilay magaalladda Bristol ee dalka Britain, kadib marki uu toorreeyay seygeeda oo lagu magacaabo Aden Dahir.

8/24/2017 1:48 AM EST
Khamiis, Augusto, 24, 2017 (HOL) –Dowladda Masar ayaa xabsiga dhigtay 12 qof oo looga shakisan yahay in ay ku lug lahaayeen ka ganacsiga xubnaha jirka bani'aadamka, sida warbaahinta dalkaasi ay sheegeen.

8/24/2017 1:23 AM EST
Khamiis, Augusto, 24, 2017 (HOL) –Tababare Police oo ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee (AMISOM) ayaa Arbacadii shalay sheegay in ay bilaabeen tababar socon doona 10 maalmood, kaas oo ciidamada Police-ka Soomaaliya lagu barayo ka hortagida falalka argagixisada, si loo hagaajiyo khibradooda ku wajahan ladagaalanka argagixisanimada.