3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 23, 2017
Ra’iisul Wasaare Khayre oo maanta kormeeray xabsiga dhexe ee Xamar,

 

Arbaco, Augusto, 23, 2017 (HOL) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kormeer shaqo ku tagey gelinkii danbe ee maanta Xabsiga dhexe ee Xamar, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Wasiir ku xigeenka Caddaaladda iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga tacsiyeeyey Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo ehelladii uu ka baxay askarigii isku dhigay qaraxii dhawaan ka dhacay xabsiga ee uu soo maleegay ruux naftii halige ah. Wuxuuna ku tilmaamay askarigii isku dhigay qaraxa inuu ahaa halyey ka baxay guud ahaan qaranka Soomaaliyeed, lana ilaawi doonin.

“Waxaan Tacsi u dirayaa Ciidanka Asluubta iyo ehelkii uu ka baxay askarigii naftiisa u huray badbaadinta sharafka iyo karaamada ummada Soomaaliyeed. Askarigaas wuxuu na tusay macnaha ay leedahay qaranimadu, taas oo nagu dhiira-gelinaysa kuligeen inaan u istaagno difaaca dalkeena hooyo”ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ay yihiin kuwa u diyaarsan dhaqan celinta maxaabiista iyo ku hagidda sharciga. Isagoo cadeeyey in taas badelkeeda aan la aqbali Karin in wax yaabo sharci daro ah oo qal-qal gelinaya amniga xabsiga laga dhex sameeyo.

R/Wasaare Khayre oo kormeer ku sameynayay qaar kamid ah goobaha ay maxaabiistu ku sameeyaan agabyada kala duwan ee xafiisyada ayaa yiri: “Maadaama dib loo hawlgeliyay hawlihii kala duwanaa ee Taliska Ciidanka Asluubta sida samaynta qalabka guryaha iyo xafiisyada la dhigto, tolidda dharka kala duwan ee dugsiyada iyo ciidammada, waxaa lagama maarmaan ah in la dhiirageliyo wax soo saarka dalka.”

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia













Click here
8/23/2017 10:54 AM EST
Arbaco, Augusto, 23, 2017 (HOL) – Kulan maanta ku dhaxmaray magaalada Muqdisho madaxda ugu sareysay dowladda federaalka gaar ahaan ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre iyo wakiilada beesha caalamka ayaa looga wada hadlay hormarada kala duwan oo ay sameysay dowladda Soomaaliya mudadii ay jirtay.

8/23/2017 7:58 AM EST
Arbaco, Augusto, 23, 2017 (HOL) – Wararka ka imanaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab isku dhiibay ciidamada dowladda ee ka howlgala degmada.

8/23/2017 6:42 AM EST
Arbaco, Augusto, 23, 2017 (HOL) – Madaxa Kubada Cagta Aduunka Gianni Infantino, ayaa dhambaal tacsi ah u soo diray xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta, isaga oo uga tacsiyeeyay geeridii todobaadkii hore ku timid guddoomiyihii guddiga garsoorayaasha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cismaan Jaamac Diraac oo ay dileen rag hubeysan.

8/23/2017 6:31 AM EST
Arbaco, Augusto, 23, 2017 (HOL) – Weerar ismiidaamin ah ayaa goor dhaw oo maanta ah lagu waramayaa in uu ka dhacay koonfurta dalka Afghanistan sida ay warbaahinta u sheegeen laamaha amniga.

8/23/2017 5:52 AM EST
Arbaco, Augusto, 23, 2017 (HOL) – Dowladda Turkiga oo saaxiib weyn la ah Soomaaliya ayaa la filayaa in bisha September ee nagu soo foolka leh ka furto magaalada Muqdisho Saldhig militari oo lagu tababari doono ciidamada Soomaaliya.

8/23/2017 5:08 AM EST
Arbaco, Augusto, 23, 2017 (HOL) – Ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug ayaa lagu waramayaa in subaxnimdii hore ee saakay gudaha u galeen deegaanka Mareergur ee gobolka Galguduud, waxaana lagu soo waramayaa in ay halkaa ka jirto xiisad u dhaxeysa Galmudug iyo Ahlu Sunna.

8/23/2017 4:53 AM EST
Arbaco, Augusto, 23, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose, ayaa sheegaya in dabley rasaas ku furtay gaari ay la socdeen dad shacab ah habeenimadii xalay.

8/23/2017 4:32 AM EST
Arbaco, Augusto, 23, 2017 (HOL) – Waxaa xalay ku geeriyooday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe Aadan Macalin Cali oo ka mid ahaa xildhibaannada maamulka Hirshabeelle ee ka soo jeeda gobolka Hiiraan.

8/23/2017 12:54 AM EST
Arbaco, Augusto, 23, 2017 (HOL) –Maxkamadda sare ee Magaalladda Madrid ee dalka Spain waxaa lasoo taagay afar nin oo lagu eedeeyey inay ka tirsan yihiin koox ka dambaysay weerarkii ka dhacay gudaha iyo hareeraha Magaalladda Barcelona.

8/23/2017 12:41 AM EST
Arbaco, Augusto, 23, 2017 (HOL) –Ku-dhowaad 20 milyan oo qof oo ku nool waddamada Yemen, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan iyo waqooyi-bari dalka Nigeria, ayaa qarka u saaray xaalad macluul ah iyo in qaarkood horey ay usoo martay macluusha, sida ay sheegeen Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobe.

8/23/2017 12:34 AM EST
Arbaco, Augusto, 23, 2017 (HOL) –Ciidamada dowladda Ciraaq oo garab militeri ka helaya ciidamo American ah, ayaa la wareegay dhul ka tirsan magaalladda Tal Afar, oo ku taalla waqoyga dalka Ciraaq.

8/23/2017 12:27 AM EST
Arbaco, Augusto, 23, 2017 (HOL) –Dowladda Britain ayaa Beesha caalamka ugu baaqday in lagu garab siiyo dadaallada ay ku bixineyso caawinta dadka abaaraha ay saameeyeen ee ku nool dalka Soomaaliya.

8/23/2017 12:20 AM EST
Arbaco, Augusto, 23, 2017 (HOL) –Guuto cusub oo ka tirsan ciidamada Difaaca Qaranka dalka Burundi ee (BNDF), ayaa 21-kii bishan soo gaaray magaalladda Muqdishu, si ay u bedelaan ciidamo horay u joogay Soomaaliya oo muddo howleedkooda uu dhamaaday.

8/23/2017 12:15 AM EST
Arbaco, Augusto, 23, 2017 (HOL) –Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa qoray inay Diyaaradaha Dagaalka Kenya duqeyeen Kaymaha Boni oo Saldhig u ah Ciiddanka Jaysh Ayman oo ka tirsan Alshabaab.