4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 23, 2017
Madaxda dowladda Soomaaliya iyo wakiilada beesha caalamka oo Muqdisho ku shiray


Arbaco, Augusto, 23, 2017 (HOL) – Kulan maanta ku dhaxmaray magaalada Muqdisho madaxda ugu sareysay dowladda federaalka gaar ahaan ra’iisal wasaare  Xassan Cali Kheyre iyo wakiilada beesha caalamka ayaa looga wada hadlay hormarada kala duwan oo ay sameysay dowladda Soomaaliya mudadii ay jirtay.

Dowladda ayaa dhinaceeda ku eedeysay beesha caalamka in aysan ka soo bixin taageeradii dhaqaale ee horay loogu baqanqaaday dowladda, waxaana ka mid ahaa balanqaadyadii ku xusnaa war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii London lagu qabtay.

Shirka ayaa waxaa si gaar ah loogu lafa-guray waxyaabihii leysku afgartay shirkii London iyo sababta dib –u-dhaca ku keenay  qodobada qaar ee ku xusnaa war-murtiyeedkii shirka oo ay madaxdu sheegeen in aysan u dhicin sidii loo qorsheeyay.

Wasiiru-dowlaha xafiiska ra’iisal wasaaraha Cabdullaahi Xaamud ayaa warbaahinta uga warbixiyay kulanka ay ujeedadii laga lahaa isaga oo yiri’’ Waxey aheyd oo kaliya in leys weydiiyo wixii soo qabsoomay saddexdii bilood ee la soo dhaafay, meesha loo socdo iyo waxa aan uga baahannahay wadamada caalamka, wax yaabaha laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa dhaqaale abuur loo sameynayo dalka  dib-u-eegista dastuurka, shaqa abuurka iyo sidii loo mideyn lahaa dhaqaalaha Soomaaliya’’ ayuu yiri wasiir Xaamud.

Waxaa uu sheegay in leysku afgartay in si wada jir ah loo shaqeeyo, isaga oo intaa ku daray in wakiilada beesha caalamka qodobadii laga wadahadlay dib ugula noqon doonaan dowladdaha ay matalaan.

Sidoo kale Micheal Keating ayaa dhinaciisa ka hadlay qodobadii diirada lagu saaray kulankii maanta ka dhaxmaray wakiilada beesha caalamka iyo madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, isaga oo yiri ‘’ Saddex wayaabood ayaa ka hadalnay, waxaa ugu horeeya Siyaasada, halka ay mareyso dib-u-eegista dastuurka, doorashooyinka sanadka 2020-21 –ka iyo  sidoo kale waxaan xoogga saarnay abuurka ilo dhaqaale ’’ ayuu yiri Micheal Keating.

Shirkii bartamihii May ka dhacay magaalada London ayaa waxaa ka soo baxay qodobo badan oo dhamaantood quseeya Soomaaliya, kuwaa oo si gaar ah loogu lafaguray shirkii maanta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]