4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 23, 2017
Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo isku dhiibay ciidamada dowladda ee degmada Maxaas gobolka Hiiraan

 

Arbaco, Augusto, 23, 2017 (HOL) – Wararka ka imanaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab isku dhiibay ciidamada dowladda ee ka howlgala degmada.

Sakariye Ibraahim Cabdulaahi oo 19 jir ah wuxuu Maleeshiyada Al-shabaab ee gobolka Galgaduud la shaqeynayay mudo Shan sano ah.

General Axmed Maxamed Tareedisho ayaa warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed u xaqiijiyay isa soo dhiibista sarkaalkan.

Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale dowaladda isku soo dhiibaan saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo marar badan oo hore siyaabo kala duwan isugu dhiibay ciidamada dowladda ee ka howlgala gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]