4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 23, 2017
FIFA oo cambaareysay dilkii madaxii garsoorayaasha Soomaaliya

 

Arbaco, Augusto, 23, 2017 (HOL) – Madaxa Kubada Cagta Aduunka Gianni Infantino, ayaa dhambaal tacsi ah u soo diray xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta, isaga oo uga tacsiyeeyay geeridii todobaadkii hore ku timid guddoomiyihii guddiga garsoorayaasha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cismaan Jaamac Diraac oo ay dileen rag hubeysan.

Cusmaan Jaamac Diraac, ayaa soo noqday garsoore hore oo ka tirsan FIFA, waxanna uu tan iyo 2010-kii uu ka mid ahaa guddiga fullinta xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda cagta.

“Waxaa uu ku dadaalayay hormarinta Kubada Cagta Soomaaliya iyo Africa, waxaa uu ka mid ahaa xubnaha Kubadda Cagta adduunka, qoyskiisa iyo dadka isaga jeclaa waa uga tacsiyeeyneynaa, waa arrin murugo leh dhacdadaasi’’ ayuu yiri madaxweynaha FIFA Gianni Infatntino.

 

Marxuumka ayaa shaqadda garsoorka dalka waxaa uu ku soo biiray sannadkii 1986-kii, isagoo soo dhex dhexaadiyay Kubadda Cagta. Laliska iyo Gacanta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]