4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 23, 2017
Ciidamo ka tirsan Galmudug oo la wareegay deegaanka Mareergur

 

Arbaco, Augusto, 23, 2017 (HOL) – Ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug ayaa lagu waramayaa in subaxnimdii hore ee saakay gudaha u galeen deegaanka Mareergur ee gobolka Galguduud, waxaana lagu soo waramayaa in ay halkaa ka jirto xiisad u dhaxeysa Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Wariyayaal iyo dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ciidamada la wareegay deegaanka Mareergur 30km u jirta degmada Dhuusa-mareeb ka soo ruqaasadeen dhinaca degmada Cadaado ee xarunta ku-meel-gaar u ah maamulka Galmudug.

Ka hor inta aysan la wareegin gacan ku heynta deegaanka ayaa la sheegay in la maqlay rasaas culus oo ay isweydaarsadeen ciidamada gudaha u galay Mareergur iyo xoogag ka tirsanaa Ahlu Sunna oo markii danbe halkaa isaga baxay.

Dhaqdhaaqyadan ee ciidan ee u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa imanaya dhinaca kale xili labadii cisho ee la soo dhaafay dagaal culus ku dhaxmaray deegaanka Xeraale xoogagga Ahlu Sunna iyo maleeshiyaad deegaanka ka soo jeeda oo is abaabulay.

Labada dhinac Ahlu Sunna iyo Galmudug ayaa siyaasad ahaa iska soo horjeeda, iyadoo dhinac uu ka arimiyo deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]