4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 23, 2017
Rasaas dhimasho sababtay oo lagu furay gaari ay la socdeen dad shacab ah gobolka Shabeellaha hoose

 

Arbaco, Augusto, 23, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in dabley rasaas ku furtay gaari ay la socdeen dad shacab ah habeenimadii xalay.

Inta la xaqiijinayo ilaa saddex ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyootay rasaasta lagu furay gaariga, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen dad kale shacab ah, waxaana meydadka saddexda ruux la keenay oo la dhigay isbitaalka degmada Afgooye.

Dableyda rasaasta ku furtay gaariga ayaa la sheegay in ay jidgooyo u taalay iyaga oo ku amray darawalka in uu gaariga joojiyo, hasse ahaatee waxaa la sheegay in uu ka dhaga-adeygay amarka la siiyo taasoo keentay in ay rasaas ku furaan.

Gobolka Shabeellaha hoose ayaa lagu tilmaamay halka ugu badan oo yaalaan Isbirooyinka lacagaha looga qaado gadiidka, kuwaa oo mar marka qaar wax yeello u geysta wadayaasha gadiidka iyo dadka la socda intaba.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa horay amar ugu bixiyay in la qaado dhamaanba jidgooyooyinka yaala gobolka Shabeellaha hoose, kaddib markii ay cabasho arintaa ku saabsan soo gudbiyeen dadka ku dhaqan gobolka

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]