4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 23, 2017
Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Hirshabeelle oo Jowhar ku geeriyooday

 

Arbaco, Augusto, 23, 2017 (HOL) – Waxaa xalay ku geeriyooday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe Aadan Macalin Cali oo ka mid ahaa xildhibaannada maamulka Hirshabeelle ee ka soo jeeda gobolka Hiiraan.

Marxuumka ayaa sheegay in uu naqaska ku xirmay, iyadoo kadibna loola cararay isbitaalka, halkaasoo uu markii dambe ku geeriyooday.

Alle ha u naxariisteen Aadan Macalin oo ahaa oo 55 jir ayaa marka laga soo tago in uu ahaa xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Hirshabeelle, waxaa uu horay u soo noqday guddoomiye ku-xigeenkii maaliyadda gobolka Hiiraan.

Maanta ayaa la filayaa in lagu aaso magaalada Jowhar, waxaana Aaskiisa ka qeyb galaya mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]