4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 23, 2017
Maxkamadda sare ee Madrid oo lasoo taagay Afar nin oo lagu eedeeyey weerarkii ka dhacay Barcelona

 
Arbaco, Augusto, 23, 2017 (HOL) –Maxkamadda sare ee Magaalladda Madrid ee dalka Spain waxaa lasoo taagay afar nin oo lagu eedeeyey inay ka tirsan yihiin koox ka dambaysay weerarkii ka dhacay gudaha iyo hareeraha Magaalladda Barcelona.

Ugu yaraan siddeed xubnood oo la sheegay inay kooxda ka tirsan yihiin ayaa dhintay, halka labo kamid ahna ay ku dhinteen Qarax, lixna booliska ay toogteen. 

Tuhmanihii ugu dambeeyey ayaa lagu dilay beer canabku ka baxo oo ku taalla galbeedka Barcelona Isniintii, sida Booliska ay sheegeen.

Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa hadda ku doodaya in ay ku guuleysteen ciribtirka dhammaan kooxdii isku dayday in ay qasaan dalkaasi. Waxaa dhawaan la filayaa in baroor diiq loo sameeyo inkabadan 10 qof oo ku dhintay weerarka.

Xaakimka baaritaanka wada, Fernando Andreu, ayaa la filayaa inuu u akhriyo eedaha loo haysto, kuwaasoo ay u badan tahay inay noqdaan argagixisonimo, dil, iyo haysasho hub.

Tuhmaneyaasha kale ee maxkamadda la saarayo ayaa kala ah:

Driss Oukabir oo 28 jir ah

Mohammed Aalla, oo 27 jir ah

Sahal al-Karib, oo 34 jir ah

Xaakimka ayaa go'aan ka gaari doona in xabsiga lagu sii hayo tuhmaneyaasha oo loo diido in damaanad lagu sii daayo sida uu dacwad ooguhu dalbanayo.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia