4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 23, 2017
Ciidamada Ciraaq oo garab ka helaya kuwo American ah oo gaaray duleedka magaalladda Tal Cafaar

 
Arbaco, Augusto, 23, 2017 (HOL) –Ciidamada dowladda Ciraaq oo garab militeri ka helaya ciidamo American ah, ayaa la wareegay dhul ka tirsan magaalladda Tal Afar, oo ku taalla waqoyga dalka Ciraaq.

Ciidamada ayaa la wareegay goobo kamid ah al-Jazirah, oo ku taalla bariga magaalladda Tal Afar.

“Ciidamada Ciraaq ayaa dagaal culus oo ay la galeen kooxda Daacish kadib ay u suurtogashay in ay gaaraan duleedka magaalladda Tal Cafaar ee kooxdan ku xoog badantahay”, sidaasi waxaa sheegay saraakiisha ciidanka.

Magaalladan oo ka mid ah meelaha tirada yar ee ay wali ku xoog baddanyihiin kooxda Daacish ayaa waxa ay ku taallaa degmada Kifaax ee dalka Ciraaq.

Mid ka mid ah taliyeyaasha horkacaya ciidamada Ciraaq ayaa sheegey in dagaalyahanada Daacish ay soo ridayaan madaafiic, sidoo kalana ay waddooyinka ku aaseen miinooyin.

Ra'isulwasaaraha Ciraaq ayaa ku dhawaaqay hawlgalka lagula wareegayo Tal Cafaar maalintii axadda ahayd muddo bil uun kadib markii ciidamada ay la wareegeen magaalada Mosul oo ahayd fadhigii ugu weynaa ee Daacish.

Ra'isulwasaare Xaydar Cabadi ayaa sheegay in la rumeysanyahay in 2,000 oo kooxaha jihaad-doonka ah ay ku jiraan magaalada iyo illaa 40,000 oo shacab ah, wuxuuna ugu baaqay Daacish 'is-dhiibis ama dhimasho".

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia