4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 23, 2017
Britain oo Beesha Caalamka ka codsatay in lagu garab siiyo caawinta dadka abaaraha ay saameeyeen ee ku nool Soomaaliya

 
Arbaco, Augusto, 23, 2017 (HOL) –Dowladda Britain ayaa Beesha caalamka ugu baaqday in lagu garab siiyo dadaallada ay ku bixineyso caawinta dadka abaaraha ay saameeyeen ee ku nool dalka Soomaaliya.

Inkabada 1.4 million oo carruur ah oo ku nool dalka Soomaaliya ayaa ah kuwo nafaqo darro ay heyso, halka nus kamid ah dadka ku nool Soomaaliya aysan heysan cunno ku filan, kuwaas oo sidoo kale ay ka bur-bureen dalagyadoodii iyo beerihii ay fiirsanayeen.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda UK u qaabilsan Qaaradda Africa Rory Stewart, oo todobaadkan booqasho ku yimid magaalladda Muqdishu, ayaa xaaladda ku tilmaamay "mid si aad quus u ah" waxana uu sheegay in Britain ay ka hortagayso macluusha inay sii daba dheeraato oo ay gaarto dunida inteeda kale.

"Britain waxay door weyn ka cayaartay bixinta gargaar deg-deg ah si looga hortago dhibaatadda” iyada oo Soomaaliya ay wali kusii socoto abaar ba'an, ayuu yiri wasiirka.

"Waa inaan tallaabo wadajir ah qaadnaa si aan u joojinno in dad badani ay dhintaan, bulshada caalamkuna waa inay kor u qaadaan dadaallada lagu dhisayo adkaysiga iyo xasilooni muddo dheer ah”, ayuu hadalkiisi sii raaciyay.

Dowladda UK, ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay dhaqaalle ku taageertay dalka Soomaaliya, waxaana lacagahaasi lagu caawiyay dadkii ay saameeyeen abaaraha ee ku noolaa guud ahaan dalka Soomaaliya. 

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia