4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 23, 2017
Faah-faahin: Diyaaradaha Kenya oo duqeeyey Al-shabaab ku sugan qeybo ka tirsan kaymaha Boni

 
Arbaco, Augusto, 23, 2017 (HOL) –Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa qoray inay Diyaaradaha Dagaalka Kenya duqeyeen Kaymaha Boni oo Saldhig u ah Ciiddanka Jaysh Ayman oo ka tirsan Alshabaab.

Dhawaaqa Qaraxyadda iyo guuxa Diyaaradaha Dagaalka ayaa laga maqlayey meel aad uga fog Degmadda Garsen ee Gobalka Tana River.

Goobjooge lagu magacaabo Jamal Haji ayaa u sheegay Wargeyska Daily Nation inuu qaraxyada maqlay wax yar kadib markii ay Diyaaradaha dulmareen meel ku dhow Xarunta Ganacsiga ee Nyongoro trading centre.

Dhinaca kale ciidanka Militeriga dowladda Kenya ayaa maalin ka hor dadka ku nool deegaannada ku dhow xadka Somalia iyo Kenya ku armay in 24-Saacadood gudahooda ay uga guuraan deegaannadaasi.

Militeriga ayaa sheegay in ay isku diyaarinayaa howlgallo culus oo la doonayo in lagu qaado dagaalyanno ay sheegeen in ay ka tirsanyihiin Al Shabaab oo isku qarinaya deegaannada keymaha ee Boni Forest.

Amarkaasi ayaa shalay waxaa uu kasoo baxay madaxa howlgalka Linda Boni mission (Swahili for Operation Protect Boni) Joseph Kanyiri.

“Dadka xoola dhaqatada ah, waxaan ku amreynaa in ay ka fogaadaan keymaha, halkaas oo howlgalkeena xooggiisa uu ka dhici doono”, ayuu yiri Joseph.

Keymaha Boni Forest ayaa waxaa ay ku dhirirsanyihiin xadka waddamada Kenya iyo Soomaaliya ay wadagaan, waxaana dowladda Kenya inta badan ay sheegeen in Al Shabaab ay halkaasi weerarada ay kasoo qaadaan intooda badan.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia