4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 21, 2017
Ardey Turkish oo Muqdisho u yimid is-dhagax bulsho iyo dib u hagaajinta xarun Agoomaha wax ku bartaan

Isniin, Augusto, 21, 2017 (HOL) - Kooxo tabarucayaal Turkiga ah ayaa u yimid Soomaaliya barnaamij qayb ka ah hindisaha hay'adda horumarinta Turkiga, kuwaa oo ka qeyb-qaatay dayactir lagu sameeyo xarun agoon iyo dugsi wax lagu barto.

Barnaamijkan oo ay hogaamineyso hay'adda Turkiga ee Iskaashatada iyo Isuduwidda (TIKA) ayaa u ogolaanaya mutadawiciinta in ay booqdaan wadamo badan oo Afrikaan ah oo ay ka mid yihiin Tunisia, Liibiya, Soomaaliya, Kenya, Algeria, Chad, Sudan, Niger iyo Ghana, 5tii bishan Agoosto ilaa 30ka.

Iyadoo qayb ka ah barnaamijkan is-dhex-galka toddoba arday ayaa timid caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waxayna booqdeen safaaradda Turkiga, saldhigga millatariga Turkiga, duulimaadka madani ah, iyo xafiisyada Turkish Airlines, TIKA iyo Turkiga Foundation Maarif.

Ardayda oo ku shaqeynaya si iskaa wax u qabso kana socda Jaaamacadaha kala duwan ee dalka Turkiga ayaa sidoo kale ka qayb-qaatay hawlaha dayactirka xarunta agoonta ee Al Haramain oo ah xarun Agoon oo dhinaca kalana u shaqeyn doonta sidii dugsi waxbarasho oo ay dhiganayaan ila 800 oo carruur ah.
 

Usame Targal, oo ah Arday sannadka labaad oo ka socda Jaamacadda Sabahattin Zaim ee Istanbul, ayaa u sheegay wakaaladda Anadolu in ay ka qeyb-qaateen dib u hagaajinta 200 kuraas iyo miisas isugu jira.

"Waxaan baraneynay dhaqan cusub iyo caadooyin cusub iyada oo loo marayo barnaamijka isdhaafsiga waxaan dhisnay Buundada isku xirireysa labada qaaradood," ayuu yiri Usame Targal.

Ardaydan ayaa ka qeybqaadanaya hawlaha bulshada, dhaqanka iyo bini'aadanimada waxayna dib u cusbooneysiinayaan dugsiyada,, maktabadaha iyo goobaha cibaadada.

Waxay sidoo kale ka qayb qaadan doonaan hirgelinta mashaariicda horumarinta maxalliga ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]