4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 21, 2017
Goob Basaska laga raaco oo gaari la jiirsiiyay dalka Faransiiska

Isniin, Augusto, 21, 2017 (HOL) - magaalada Marseille ee ku taala Koonfurta dalka Faransiiska ayaa lagu waramayaa in qof gaari waday uu jiirisiiyay labo goobood oo laga raaco Basaska.

Booliiska ayaa sheegay in falka uu dhacay saacadihii hore ee maanta, waxaana inta la ogyahay dhimatay haweeney , halka qof kalana la sheegay in uu soo gaaray dhaawac culus.

Darawalkii waday gaariga ayaa ayaa xabsiga la dhigay , waxaana ay saraakiisha booliisku sheegeen in wali falkan aan loola dhaqmi doonin ‘’Argagixiso’’

Sannadkii hore dad dabaaldagaya oo ku sugan magaalada Nice ayaa la jiirsiiyay gaari xamuul ah halkaas oo ay ku dhinteen 80 ruux.

Dhacadadan ayaa dhinaca kale timid xili booliiska Spain ay baadi goob weyn ku hayaan darwal waday gaari 13 ruux ku dilay magaalada Barcelona, waxaana la sheegay in shaqsiga weerarka geystay oo 22 sano jir ah uu ka tirsan yahay Unug Argagixiso.

Qaarada Yurub ayaa waxaa siweyn ugu soo badanaya weerarrada loo adeegsanayo gaawirada 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]